Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fake News oo sababay joojinta been abuurka koowda abriil

La daabacay fredag 31 mars kl 16.53
Tiro war-geeysyo ah oo miis saaran.
War-geeysyo ka gaabsaey caadada been-abuurka ee koowda bisha abriil. sawir: Roald, Berit

Sannad walba, koowda abriil ayaa war-geeysyada lagu soo daabacaa warar been-abuur ah, hase yeeshee ey saxaafado badani iminka joojiyeen beentii koowda abriil. Tallaabooyinkaasina oo ka dambeeyyey sidii looga dheeraan lahaa wararka fake news-ka ah – warar aan dhab ahayn.

Fahamka weerta "fake news - warar aan dhab aheyn”, ayaa aad u soo caan baxay wixii ka dambeeyay doorashadii madax-ti-nimo ee dalka Mareeykanka. Waa warar been abuur ah ee ku saabsan ula kac dano gaar ah laga leeyahey kuwaasina oo lagu faafiyo shaashadda internet-ka. Mararka qaarkood waxaa ka dambeeya dano siyaasadeed.

Horay ayaa loogu guuleeystey

Miyaanay kula ahayn iney akhristeyaashu kala saari karaan warka dhabta ah iyo fake news?

- waxaan qabaa in badankood akhristeyaashu wey kala saari karaan farqiga u dhexeeya wararka runta ah iyo beenta. Dhanka kale waxaa jira warar been abuur ah ee la soo daabaco oo dadkuna u qaataan sidii xaqiiq oo kale, sida uu sheegay Magnus Karlsson.

Sidoo kale waxaa iyaguna ka tanaasulay iney fake news qoraan war-geeysyada Dalarnas Tidningar, Hallpressen iyo Västerbottens-Kuriren.

- Waxaa jira warar been-abuur ah oo war-geeysku daabacay oo lagu guuleeystey, tusaale ahaan nin afar carruur ah aabbe u noqday habeen uu dibadda caweeys ugu maqnaa. Laakiin hadda waxaannu dareeney in laga tanaasulo iyada oo laga amba-qaadeyo doodaha ballaaran ee ka dhashey aaminaadda saxaafadda wixii ka dambeeyey dooddii la xiriirtay fake news, sida uu sheegay Ingvar Näslund, ahna tifaf-tiraha war-geeyska Västerbottens-Kuriren.

War-geeysyada ayaa sannadka wax ka qori doona been-abuurradii maalinta koowda abriil oo ey horay ugu guuleeysteen, sida uu sheegay.

Fikir ka duwan

Dhanka kale war-geeysyada qaar ayaa ku dheggan caadada been-abuurka koowda abriil.

- Aad waxaa muhiim u ah in dib laga macneeyo been-abuurka si aanu bannaanka isaga oolin oo aan khalad looga fahmin., sida ay sheegtay Anna Gullberg, ahna tifaf-tiraha war-geeyska Gefle Dagblad.

Tifaf-tiraha war-geeyska Sydsvenskan, Pia Rehnquist ayaa sheegtay inay kala duwan yihiin been-abuurka iyo wararka fake news.

- Waxay ila tahay inay aad u yar tahay halista ka iman karta aamin-bax nalaka qaado kolka laga hadleyo been-abuurka koowda abriil, sida ay sheegtay.

Taariikhiyan

Dalka Sweden ayaa laga ogsoonaa been-abuurka koowda bisha abriil laga soo bilaabo bartamihii qarnigii 16-aad, sida laga daalacan karo qaamuuska Nationalencyklopedin.

Been-abuurradii kowda abriil ee ugu caansanaa taariikhda:

1950 war-geeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in jasiiradda Öland ay soo go’day oo ku soo xirantay xeebta Sweden.

1962 – xilligaasi oo TV-gu ahaa caddaan madow ayaa idaacadda SVT laga baahiyay in haddii sharabaaddo midab leh lagu dado tv-ga lagu daawan karo sidiiyoo uu midab yahay.

1980 - War-geeyska Dagens Nyheter ayaa qoray in xilligii saacadda kuleeylaha la bedeley iyada oo aan la baahin. Hase-yeeshee la galey xilligii kuleeylaha shan maalmood dabadeed, markii ugu horreeysay laga soo bilaabo 1916.

2005 – ayay idaacadda la iska daawado ee TV4 baahisay been abuur ah in laga xaday cajaladihii filimkii musalsalka ahaa ee ”Lost”, sidaa daraadeedna aan la daawan karin.

2008 – War-geeyska Dagens Nyheter wuxuu daabacay in la muraayadeeyn doono garoonka Hammarbybacken ee magaalada Stockholm gebi ahaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".