Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad qaraabo ah oo booliska awooda ka qaaday

La daabacay måndag 3 april kl 10.54
Ulf Merlander:"Waa in boolisku awooda dib u soo ceshado"
(1:44 min)
Booliska xaafada Angered ee magaalada Göteborg ayaa dareemaya in awoodi laga qaaday.
Booliska xaafada Angered ee magaalada Göteborg ayaa dareemaya in awoodi laga qaaday. sawir: Johan Nilsson/TT

Baadhitaan uu booliska magaalada Göteborg sameeyay ayaa laga arkay in dembilayaasha halkaasi, khaasatan qoys gaar ah, awooda ka qaadeen booliska xaafada Angered.

Kuwan ayaa cabsi ku abuuray dadyowga halkaas ku nool. Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan uu boolisku ku sameeyay xaafadaha ku yaala woqooyiga-galbeedka Göteborg. Madaxa booliska xaafada Angered, Ulf Merlander, ayaa ka mid ah kuwa qeeybsanaya sawirkan:

-Dhowr jeer ayey igu dhacday in ay dhalinyarada xaafadani igu tidhaahdo anaga xaafadan hogaamina, boolisku awood kuma leh halkan, ayuu yidhi.

Waxaa hadda socda kiis maxkamadeed halka dhowr qof lagu tuhmayo in ay jidh dil u geeysteen dad markhaati ku furi lahaa. Sababta oo ah in la aamusiyo kuwan.

Afarta nin ee la tuhmayo in ay ka dambeeyeen dembigan ayaa isku qaraabo ah.

Hogaamiyaha booliska Angered Ulf Merlander ayaa u jeeda in qaraabadani ka dambeeyso rabshadaha ka dhacay xaafadaas ilaa 1990:dii. Waxay yihiin 120 qof halkey 30 ka mid ah ku jiraan liiska booliska.

-Dil, jidh dil, haddidaad, dembi mukhaadaraad iyo in ay sharaaf rideen haween ayaa ka mid ah dembiyada ay galeen.

Ulf Melander ayaa u jeeda in ay muhiim tahay in uu boolisku sida dhakhsada ugu badan awooda dib u soo ceshadaan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".