Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

LO oo dalbanaya joojinta siyaadinta canshuuraha degmooyinka

La daabacay tisdag 4 april kl 10.23
LO oo rabta in canshuuraha degmooyinka aan la kordhin
(1:02 min)
Hogaamiyaha ururka shaqaalaha LO ee Kar-Petter Thorwaldsson.
Hogaamiyaha ururka shaqaalaha LO ee Kar-Petter Thorwaldsson. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Hogaamiyaha ururka shaqaalaha LO Karl-Petter Thorwaldsson ayaa imminka raba in la joojiyo canshuuraha degmooyinka ee la kordhinayo, si buu yiri loo yareeyo in bulshada dalkaani ay sii kala faquuqanto.

Ka hor inta uusan usbuucaan dhammaadkiisa bilaaban shirweynaha guud ee xisbiga Sooshal-demoqoraadi-gu, ayaa urur weynaha shaqaalaha ee LO wuxuu shirkaas hor dhigey shuruudo aad iyo aad u adadag oo la xiriira in xad loo yeelo canshuuraha degmooyinka.

Hogaamiyaha ururka shaqaalaha LO Karl-Petter Thorwaldsson ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya wuxuu yiri sidan soo socota:

-Badanaa dadka mushaarada hooseeya qaata, ayaa mushaaradooda waxaa laga jaraa canshuuro aad iyo aad u sareeya, taasna waa tana aan rabno in wax laga badalo.

Hogaamiyaha ururka LO ayaa intaas ku darey in meeshii canshuuraha degmooyinka laga siyaadin lahaa taas badalkeeda ay dawladda dhexe ee dalkaani degmooyinka u siyaadiso caawimaadaha dhaqaale ee ay degmooyinkaas u fidiso.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".