Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Abaalmarinta ALMA oo uu ku guuleystey Wolf Erlbruch

La daabacay tisdag 4 april kl 13.20
Wolf Erlbruch oo ku guuleystey abaalmarinta ALMA
(1:12 min)
Wolf Erlbruch får Almapriset 2017. Foto: TT och Peter Hammer Verlag
Wolf Erlbruch oo ku guuleystey Almapriset 2017. Sawirkii : TT och Peter Hammer Verlag

Abaalmarinta suugaanta ee lagu xasuusto qoraayaddii caanka aheyd ee Astrid Lindgren ayaa waxaa sanadkaan ku guuleystey qoraa jarmal ah oo lagu magacaabo Wolf Erlbruch oo caan ku ah farshaxanka iyo sawirada buugaagta caruurta lagu xardho.

Maktabadda boqortooyada ee magaalada Stockholm ayaa maanta arrinkaas ku dhawaaqdey.

Boel Westin oo ah madaxa guddiga abaalmarintaas marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ALMA ayaa ku tilmaantey qoraaga ku guuleystey abaalmarintaas in uu furey wadda cusub oo hal abuurka la xiriirta.

Abaalmarintaan ayaa waxaa la gudoonsiiyaa sanad walba qorayaasha qora buugaagta caruurta iyo dhallinyarada loogu talagaley.

Abalmarintaan lagu xasuusto qoraayaddii caanka aheyd ee Astrid Lindgren ayaa waxaa la aasaasey sanadkii 2002-dii, waxaana sanadkaan loo soo sharaxey ilaa 226 qof iyo  hey’adood oo laga soo kala sharaxey ilaa iyo 60 dal oo kala duwan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".