Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iskool lagu haysto in ay gabdhaha iyo wiilasha kala sooceen

La daabacay tisdag 4 april kl 16.47
Iskool lagu haysto in ay gabdhaha iyo wiilasha kala sooceen.
Iskool lagu haysto in ay gabdhaha iyo wiilasha kala sooceen. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Ardayda dugsiga Al- Azhar ee magaalada Stockholm ayaa gabdho iyo wiilal loo kala sooca marka ay raacayaan basska uu iskoolkani leeyahay. Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan uu barnaamijka Kalla Fakta ee TV4 arrinkan ka sameeyay.

Kalla Fakta ayaa caddeeysay in aaney ahin markii ugu horreeysay uu iskoolkani ardayda sidan oo kale u kala soocay. Dhowr jeer ayaa gabdhaha iskoolkan dhigta lagu meeleeyay qeeybta dambe ee basska islamarkaas na wiilasha lagu yidhi in ay fadhiisan karaan qeebta ugu horreeysa basska. 

Caruurta raaca basska iskoolka Al-Azhar ayaa ah da´da  lix ilaa toban sanno jir.

Roger Lindquist oo ah maamule ku xigeenka iskoolkan ayaa kala soocan u arka khalad. Islamarkaas ayuu sheegay in dhacdadaan aysan ahaayn wax maamulka iskoolka ka warqabay amba ogalaansho ka bixiyay.

-Aniga iyo maamulaha dugsiga markaan filinka la soo duubay daawanay waxaan isku raacnay in arrinkaan uusan ahaayn mid aanu aqbalayno amba taageerayno, ayuu sheegay.

Qeeyb ka mid ah fillinkan ayaa caawa laga daawan karaa barnaamijka Kalla Fakta ee TV4.

Raisal Wasaaraha dalkan ,Stefan Löfven, ayaa kala soocan u arka arrin aad u foolxumo badan.

Maamulka iskoolkan ayaa u jeeda in uu skoolkani dimuqraadi ku dhisanyahay oo uusan ahayn islaam. Boqolkiiba 80 shaqaalaha iskuulkan ayaan aaminsaneeyn diinta islaamka taaso uu leeyahay in ay cadaynayso in iskoolka diin lagu maamulin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".