Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga S oo doonaysa in shuruudaha lagu adkeeyo iskuulada diiniga

La daabacay onsdag 5 april kl 10.26
Siyaasiyiin heer degmo oo xisbiga (s) ka tirsan oo diidan iskuulada diimaha
(1:49 min)
Iskuulka Al-Azhar ee ku yaala magaalada Stockholm.
Iskuulka Al-Azhar ee ku yaala magaalada Stockholm. sawir: Pontus Lundahl/TT

Hogaanka xisbiga Sooshal-demoqoraadi-ga ayaa raba in dalkaan Sweden ay ka sii shaqeeyaan iskuulada diimaha ee gaarka loo leeyahay, laakiin koontaroolka lagu hayo la sii adkeeyo in ka badan intii markii hore lagu sameyn jirey.

Sidaas oo ay tahay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Sooshal-demoqoraadi-ga ee heer degmo ayaa dhaliilsan ama diidan go’aankaas xisbigoodu ka qaatey iskuulada diimaha ee gaarka loo leeyahay.

Daniel Färm oo ka mid ah wakiilada xisbiga Soosha-demoquraadi-ga ee gobolka Stockholm, ayaa isagoo arrinkaan ka hadlaya wuxuu yiri sidan soo socota:

-Arrinkaani waa talaabo dhanka saxda ah loo qaadey balse kuma filna, waayo iskuulada diimaha ee aynu maanta naqaan waa kuwa baaxad weyn oo sii jiri doona. Marka waxaa muhiim ah in casharadooda diimeed ay iskuuladooda ku dhigaan  balse aysan noqon kuwa waajibaadka iskuulka ka mid ah sidoo kalana aysan casharadaasi ka mid noqon kuwa loo isticmaalo canshuurta dadweynaha laga qaado , ayuu yiri Daniel Färm oo ka mid ah wakiilada xisbiga Soosha-demoquraadi-ga ee gobolka Stockholm.

Daniel Färm ayaa intaas ku darey iskuulada kitaabka Quraanka iyo Bibal-ka dhigaa ay ardadooda u dhigaan xilliyada habeenkii ama maalmaha fasaxa ah ee sabtida iyo axadda.

Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven ayaa maalintii shaley sheegey in koontaroolka ay ku adkeyn doonaan iskuulada diimaha ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin iyo Anna Ekström oo ah wasiirka dugsiyada sare ayaa loo xilsaarey in ay la xiriiraan hey’adda dugsiyada (Skolverket) iyo waliba hey’adda kormeerka dugsiyada si ay u darsaan talaabooyinka arrinkaas laga qaadi karo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".