Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Xaruumaha haweenka oo ka cabanaya guryo l´aan

La daabacay onsdag 5 april kl 11.18
Gurya l´aanta oo saameeysay xaruumaha haweenka.
Gurya l´aanta oo saameeysay xaruumaha haweenka. sawir: Junge, Heiko

Haweenka ka taga guryahooda ka dib ay nimankoodu jidh dil u geeysteen ayaa ku khasban in ay muddo dheer sii joogaan xaruumaha haweenka ee kvinnojourer. Sababta ayaa ah guryo l´aanta dalka ka jirta.

Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan uu ururka haweenka ee Unizon amuurahan ka sameeyay.

Tirada maalmo ay gabdhahani joogaan xaaruumahan ayaa sii kordhay. 20 casho oo dheeraad ah afartii sannadood ee ugu dambeeyay.

Tan ayaa sababtay in ay xaruumahani awood u haysanin in ay qaabilaan boqolkii ba 70 haweenka codsada in lagu meeleeyo halkaas.

Sababta ay gabdhaha qaari u sii joogaan xaruumahan ayaa ah guryo l´aanta waddanka ka jirta.

Olga Persson oo ka hawlgasha ururka Unizon ayaa sheegtay in gabdhahu ka guuri karin xaruumadan madama ay jirin guryo ay degi karaan.

-Waxeey saameeynaysa gabdhaha cusub ee raba in la caawiyo. Kuwii hore ayaa nala degan marka dad cusub ma qaabili karno, ayey sheegtay Olga Persson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".