Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardayda dalkan oo fadhigoodu kor u kacay

La daabacay onsdag 5 april kl 13.49
Ardeyda dalkaan oo aan ciyaaraha ku firfircooneyn
(2:15 min)
Arday jimicsanaya.
Arday jimicsanaya. sawir: Anders Wiklund/TT

Warbixin dhawaantaan soo baxdy ayaa muujisey in ardeyda dalkaan Sweden iskuulada ka dhigataa ay yihiin kuwa dalalka Norden-ka ugu fadhiidsan marka ay fasaladooda dhex fadhiyaan, dhanka kalana waxaa soo baxay warbixino dhiilo wata oo la xiriira caafimaadka iyo koritaanka dhallaanka.

Laba aqoonyahan oo lagu kala magacaabo Cecilia Magnusson iyo Daniel Berglind ayaa maqaal ay ku soo qoreen wargeyska Dagens Nyheter ku muujiyey in cayaaraha jimicsiga oo ardeyda loo kordhiyaa uusan aheyn xalka kaliya balse tahay xalalkaas mid ka mid ah ama ugu muhiimsan.

Labadaan cilmi baare ayaa soo jeediyey dhowr fikir oo wax ku ool ah dhibaatooyinkaasna  looga hortagi karo.

Waxaa a isku wada raacsan yahay, ayey dheheen sida cilmiga casriga ahiba qirey in dhaqdhaqaaqa jirka iyo cayaaruhuba ay ka hortagi karaan cayilka, sonkorow-ga,wadna xanuun ka, kansarka iyo cudurka asaasaqa ama maskax tiranka keena.

Aqoonyahanadaan ayaa sidoo kale sheegey in dhaqdhaqaaqa iyo ciyaaruhu ay kordhiyaan caafimaad qabka caruurta, iskuulka in ay caruurtu si joogta ah u soo xaadiraan iwm.

Sidaas oo tahay ayaa warbixin dhawaantaan soo baxdey waxay muujisey in 68 boqolkiiba ardeyda dhigata iskuulada dalkaan Sweden aysan dhaqdhaqaaq ahaan firfircooneyn.

Arrinkaas ayaa ka hor imaanaya talooyinkii ururka caafimaadka adduunku WHO uu ku taliyey kaas oo ahaa in ugu yaraan qofku maalintii hal saac sameeyo dhaqdhaqqa iyo jimicsi.

Aqoonyahanadaan labada ah ayaa qirey in dugsiyada dalkaani ardeyda siiyaan saacada yar oo maadada ciyaarta ah, taas oo ardey walbaa xisada ciyaarta cayaaro mudoo u dhexeysa 10 ilaa iyo 15 daqiiqo oo kaliya.

Cecilia Magnusson iyo Daniel Berglind ayaa soo jeediyey qodobadan:

  1. In dib loogu noqdo nidaamka waxbarasho ee dalkaan, ardeydana maalin walba la siiyo xilli jimicsi ama ciyaareed oo aan hal saac ka yareyn.  

  2. In ardeydu ay xisadahaas ciyaarta qaataan xilli casharada ay qaadanayaan ka horeeya, ee aan ciyaarta loo saarin casharada ka dib.

  3. In khasab laga dhigo in ardeydu ku cayaaraan goobo aqalada banaanka uga baxsan.

  4. In goobaha iskuulka ku meersani u qalmaan goobo ay ardeydu ku ciyaarto, laguna kordhiyo qalabka kastoo dhankaas looga baahan yahay.

  5. In ardeyda laga dhaadhiciyo faa’iidada ciyaaruhu u leeyihiin maskax ahaan iyo jir ahaan labadaba.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".