Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Darawalkii basska waday oo dembi lagu tuhmayo

La daabacay onsdag 5 april kl 14.14

Darawalka waday baskii axadii shilka ku dhacay Härjedalen meesha ay saddex caruur ku dhinteen labaatan ruux na ku dhaawacmeen, ayaa lagu tuhmaya dembi.

Waa dhaawaca caruurtaas shilkaas ka soo gaadhay, in uu sabab u ahaa dhimashadii saddexda caruur iyo in uu basska u waday si taxad darro ah.  

Basska waxaa saarnaa arday iyo macalimiin ka socday iskoolka Ängskolan oo ku yaal Skene ee degmada Marks. 

Waxaan darawalka ka wargalin doona in tuhum dembi jiro. Sido kale ayaan wareeysi la yeelan doona. Waxaan rabaa in aanu raad raac ku sameeyno dhacdodan. Sida ay xaaladu tahay hadda tuhunka aan ku hayyno ayaa weli taagaan heerka ugu hooseeya, ayay tiri xeer ilaaliyaha kiiskan Karin Johnsson-Rydh

Booliska ayaa shilkan ka dib furay baadhitaan si loo ogaado waxii sababay shilkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".