Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Boliska Sweden oo Ciraaq ka soo baaraya danbiyada argagixisada

La daabacay torsdag 6 april kl 10.07
Sweden oo rabta in argagixisada lagu maxkamadeeyo Ciraaq
(2:04 min)

Dalkaan Sweden ayaa laga yaabaa in uu ciidamo booliis ah u diro dalka Ciraaq si ay dalkaas gudihiisa uga soo baaraan dad Iswiidhish ah oo u safrey halkaas si ay ugu biiraan ama ka barbar dagaalamaan ururada argagixisada ah ee dalkaas ka hawlgala.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman ayaa sheegey in ay rabaan in dadkaas argagixisada ah maxkamad lagu saaro dalka Ciraaq gudihiisa si looga hor istaago in ay dalkaan Sweden dib ugu soo noqdaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya wuxuu yiri sidan soo socota:

-Waxaan rabnaa in aan Ciraaq gudeheeda maxkamad ku saarno qaar badan oo ururada argagixisada ah u dhoofey, si aan uga hor istaagno in ay dib ugu soo noqdaan dalkaan Sweden iyo qaaradda Yurub labadaba, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Iswiidhan Anders Ygeman.

Anders Ygeman ayaa intaas ku darey in dhammaan dalalka Yurub dan aad u weyni ugu jirto, markii argagixisada u dhooftey dalalka Ciraaq iyo Suuriya lagu maxkamadeeyo goobahaas ay falalka danbi ka geysteen taas oo isla goobahaas laga heli karo caddeymo muujinaya danbiyada ay halkaas ka geysteen, sidaas daraadeed waxaanu midowga Yurub gudihiisa ka dhex wadnaa olole balaaran oo aanu rabno in midowga yurub dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba ciidamada Ciraaq caawiyo,  ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman.

Sida ay sheegeen ciidamada sir doonka dalkaan Sweden qiyaastii 300 oo qof oo Iswiidhish ah ayaa dalkaan dibadda uga dhoofey laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii si ay ugu biiraan ama uga barbar dagaalamaan ururo argagixiso ah .

Dadkaas badankiisa oo da’doodu u dhaxeyso 18 jir ilaa iyo 30 jir , ayaa waxay ku biireen ururka argagixisada ah ee Daacish, kaas ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Ciidamada sir- doonka dalkaan Sweden ayaa aaminsan in kala bar dhallinyaradii u dhooftey ururadaas argagixisada ahi, ay dalkaan Sweden dib ugu soo noqdeen.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".