Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kalsoonida hey'adaha adeega guud lagu qabo oo hoos u dhacdey

La daabacay torsdag 6 april kl 14.32
Barnaamijka Aktuellt ee telefishinka SVT.
Barnaamijka Aktuellt ee telefishinka SVT. sawir: Lars Pehrson / SvD / TT

Waxaa hoos u dhacey kalsoonida dadweynaha dalkaani ay ku qabaan idaacadda iyo telefishinka dalkaan Sweden, sida ay muujisey baaritaan cusub oo imminka soo baxay.

Ra’yi uruurinta dhankaas ku saabsan ayaa hey’ad lagu magacaabo MedieAkademin waxay dalkaan Sweden ka bilowdey sanadkii 1997-dii, taas oo u kuurgasha kalsoonida ay dadweynaha dalkaani ku qabaan dhammaan hey’adaha dadweynaha dalkaan u adeega.

Shirkadda Systembolaget ee khamriga iibisa ayaa sanadkaan kalsoonida ugu badan ka heshey dadweynihii ra’yigooda arrinkaas ka dhiibtey, meesha idaacadda dalkaan sweden ay kaalinta saddexaad dib ugu dhacdey.

Sannadkii hore ayaa boqolkiiba todobaatan dadweynuhu waxay kalsooni buuxda ku qabeen idaacadda Sweden balse hadda waxay hoos ugu dhacdey boqolkiiba 64.

Xataa sidoo kale waxaa kalsoonidii lagu qabey hoos u dhacdey dhammaan ciidamada booliiska, rugaha adeegyada caafimaadka iyo kaniisadda Sweden intaba.

Marka ay timaado dhanka xisbiyada waxaa aad hoos u dhacey kalsoonida dadweynuhu ku qabaan xisbiga Modaraat-ka kaas oo hoos uga soo dhacey boqolkiiba 34 gaareyna hadda ilaa iyo 22 boqolkiiba.

Xisbiga Center-ka ayaa kalsoonida lagu qabaa aad kor ugu kacdey, balse xisbiyada kale ee dalkaan wax sidaas ahi iskama badalin.

Medieakademin kalsooni uruurintaas ay sameysey waxaa ay la kaashatey jaamacadda Göteborg iyo TNS-Sifo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".