Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bogg af-soomaali ah oo arrimo xasaasi ah ka warramaya

La daabacay fredag 7 april kl 13.24
Wasiirada sinaanta: "Waa in ay dhalinyaradu ka qeeyb qaatan maclumaadkan"
(2:44 min)
Liban Osman oo kelinimo ku yimid waddanka. Sawir: Muna Ismaacil/SR
Liban Osman oo kelinimo ku yimid waddanka. Sawir: Muna Ismaacil/SR

Shalay ayaa la shaaciyay bogga Youmo. Waa bogg cusub oo lagu talo galay dhallinyarada waddanka ku cusub halka ay jawaabo la xidhiidha jidhka, galmada, mukhaadaraadka, caafimaadka iyo sinaanta laga heli karo.

Boggan ayaa la dhigma xaruumaha dhallinyarada ee ungdomsmottagning loo yaqaano. Laga bilaabo shalay khamiis ayuu ku soo baxaa afar luuqadood: soomaali, carabi, tigrinya iyo daari.

Liban Osman ayaa ka mid ahaa dadkii aan kula kulmay goobta shalay lagu soo bandhigayay boggan. Wuxuu yahay wiil 17 jir ah oo kelinimo ku yimid waddanka 2013:kii.

In kasta oo uu maclumaadka boggani yahay xasaasi wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada la kala baro saxda iyo khaladka.

Qof kasta oo dhalinyaro ah ayaa boggan booqan karaa dabeetana  af- soomaali ku weeydiin kara suaal kasta oo uu isagu xiiseynayo.

Lacagta lagu maalgeliyay boggan ayaa ka timid dawladda. Wasiirada sinaanta dhalaanka iyo waayeelka Åsa Regner ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dhalinyaradu ka qeeyb qaataan maclumaadkan si aaney khalad amba ay dembi u gelin.

Waxeey tusaale ku soo qaaday sinaanta gabdhaha iyo ragga. Waa in labada shakhsi ee doonaya in ay isku tagaan raali ka ahaadaan, ayey sheegtay:

-Waa muhiim in ay maclumaadkan ka qeeyb qaataan, ayey sheegtay Åsa Regner.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".