Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliiska dalkaan oo 700 malyan oo dheeraad ah lagu maalgalinayo

La daabacay fredag 7 april kl 13.44

Dawladda dalkaan Sweden ayaa lacag dhan 700 oo malyan oo karoon oo dheeraad ah waxay ku kharashgareyn doonto ciidamada booliiska ee dalkaan.

Lacagtaan ayaan qeyb ka aheyn lacag dhan 2 bilyan oo karoon oo ay horey dawladdu u qorsheysey in ay ku maalgaliso ciidamada booliiska dalkaan tan iyo inta laga gaarayo sanadka 2020-ka.

Lacagtaan ayaa ah qeybta ugu badan oo ay dawladdu uga qoondeysey miisaaniyadda guga ee la soo bandhigi doono 18-ka bishaan april.

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa sheegey in lacagtaan 700 oo malyan ah lagu fulin doono sanadkaan  hawlaha ciidamada booliiska dalkaan.

Lacagtaan ayaa loo isticmaali doonaa in lagu shaqaaleysiiyo askar cusub oo dheeraad ah iyo sheybaaro casri ah oo danbiyada lagu baaro.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".