Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waxaannu u howlgaleynaa sidii inuu dhacay fal argagixisnimo

La cusbooneeyay fredag 7 april kl 22.58
La daabacay fredag 7 april kl 20.54
Dhammaan waxaa la adkeeyey ammaanka xuduudaha dalka
(1:19 min)
Shir-jaraa'id.
Shir-jaraa'id oo ey qabteen saraakiil ka tir-san ciidammada ammaanka iyo nabad-gelyada. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Shir-jaraa'id oo ay caawa qabteen masuuliyiin ka tir-san ciidanka ammaanka, ciidanka nabad-sugida iyo ciidanka ka hortagga argagixisada ayay ku sheegeen in howlaha ey gacanta kula jiraan ugu howl-geleyaan sidii oo uu yahay far-argagixis-nimo.

Shirkan jaraa'id ayaa sidoo kale lagu sheegay in gacanta lagu dhigay nin lagu tuhun-san yahay inuu gacan ku lahaan karo falkii argaggixis-nimo ee ka dhacay faras-magaalaha Stockholm, hase yeeshee aan illaa iminka wax dacwad ah lagu soo oogin. Ninkan oo laga qabtay xaafadda Märsta ayaa la sheegay in lagu tuhun-san yahay inuu yahay ninkii ey ciidanka ammaanku sawirkiisa horay u faafiyeen makhrib-nimadii. Hase yeeshee laga gaabsaday inuu ahaa darawalkii waday gaariga wax-yeelada geeystay iyo in kale.

Dhammaan waxaa la adkeeyey ammaanka magaalada iyo goobaha muhiimmada ku fadhiya iyadoona ey magaalada meereyaan ciidammo hubeey-san oo labalaba u soconeya, sida shirka jaraa'id lagu sheegay.

-  Sidoo kale waxaa la go’aamiyey in la adkeeyo ilaalinta dhammaan xudduudaha laga socdaalo ee dalka baaxaddiisa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".