Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven: Xoog iyo cabsi naguma hoggaamin kartaan

La daabacay fredag 7 april kl 22.30
Löfven: Weligiin guuley-san maysaan
(1:51 min)
Stefan Löfven, madaxa dawladda Sweden.
Stefan Löfven, madaxa dawladda Sweden oo shir-jaraa'id caawa qabtay. sawir: Fredrik Persson/TT

- Horay nooma aanay soo marin weerar sidan u xun oo lagu falo wadnaha caasimadda Sweden, Stockholm. Waxaan og-soonnahay in afar ruux ey geeriyoodeen, qaar kale dhaawac yihiin, waddan dhan oo murugo gacmaha isku

qabsaday, xanaaq iyo go’aanno adag, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven.

Shir-jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xarunta madaxtooyada, Stefan Löfven madaxa dawladda Sweden ayuu kaga faallooday falkii galabta ka dhacay magaalada Stockholm.

- Ciidanka ammaanka ayaa dembigan u baaraya sidiiyoo falö argagixis-nimo oo la galay, goolka ka dambeeya falalka noocaasina yihiin sidii loola dagaalami lahaa nidaamka dimoqoraadiyadda, sida uu sheegay Löfven.

- Farriintayadu weligeen way caddahay: Weligin ma guuleey-san doontaan.

Löfven ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay farriimihii iyo tacsiyeeyntii ka soo gaartay dalka dibaddiisa.

- Dhammaan hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa nala soo xiriirey si ey noogu tacsiyeeyaan.

- Waa iney quluubtayadu la jiraan qooysaska ey geerida iyo dhaawacyadu soo asiibeen, sida uu sheegay.

Stefan Löfven oo shirkaa jaraa’id dabadeed booqasho ku tagay goobtii uu falku ka dhacay ayaa dhigay xirmo ubax ah, midkaasina oo uu ku xusayay dadyoowgii ku wax-yeeloobey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".