Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin laga shakisanyahay oo la qabtay

La daabacay lördag 8 april kl 08.16
Afar qof ayaa dhintay
(1:34 min)
Goobtii werarka.
Goobtii werarka. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Xalay habeenimadii ayuu booliska magaalada Stockholm qabtay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dhacdadan oo ay iyagu u arkan in ay raad ku leedahay argagaxisnimo. Tuhunka ninkan lagu hayyo ayaa ah mid sarreeya.

Tirada qof ee weerarkan ku dhintay ayaa hadda taagan afar qof islamarkaas na ayey sagaal qofi dhaawac khatar ah qabaan. Kuwan ayaa hadda lagu hayya cusbitaalada magaalada.

Xalay habeenimadii ayuu booliska waddanka iyo ciidamada sirdoonka shir saxaafadeed ka sheegeen in la bilaabayo in xuduudaha dalka la ilaaliyo si loo ogaado dadka waddanka ka baxaya.

Sido kale ayey heeyada gadiidka ee Trafikverket kula tallinaysa dadka aan u baahneeyn magaalada in ay guryahooda joogaan, madama uu gadiidka daweeynaha sida bassaska iyo tareemadu soo habsaami karaan. 

Siyaasiin sida Anna Kinberg Batra hogaamiyaha xisbiga Moderaterna ayaa xalay islamarkiiba sheegtay in ay ka xuntahay dhacdodan. Sido kale hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet ee Jonas Sjöstedt.

Dhanka kale ayuu ra´iissal wasaare Stefan Löfven xalay habeenimadii booqday goobti weerarka. Löfven ayaa nooc ubax halkaas dhigay si u tacsiyeeyo dadkii ku dhintay weerarka.

Dhowr waddan ayaa xalay u tacsiyadeeyay magaalada Stockholm. Tusaale wasiirka arrimaha dibada ee waddanka Finland Timo Soini. Sido kale wasaarada arrimaha dibada ee waddanka Mareeykanka oo iyaguna muujiyay in ay ka xunyahiin dhacodan.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".