Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Aduunka oo u tacsiyeeynaya Iswiidhan

La daabacay lördag 8 april kl 11.11
Fraansiiska oo dhismaha caanka ah ee Eiffeltornet xidhay.
(1:27 min)
Waddanka Fraansiiska oo u tacsiyeynaya weerarkii argagaxiso ee waddanka Ruusha dhowr todobaad ka hor.
Waddanka Fraansiiska oo u tacsiyeynaya weerarkii argagaxiso ee waddanka Ruusha dhowr todobaad ka hor sawir: Michel Euler

Sidan hore idinla socodsiinay ayey dhowr waddan muujiyeen in ay ka xunyahiin weerarkii shalay ka dhacay magaalada Stockholm. Waddanka Fraansiiska ayaa 12- habeenimo bakhtiisay dhismaha caanka ah ee Eiffeltornet loo yaqaano ka dib dhacdadii Stockholm.

Sido kale ayuu madaxweeynaha waddankaasii Francois Hollannde muujiyay in uu u tacsiyadeeynayo dadkii halkaas ku dhintey, qaraabahooda iyo dhamman dadyoowga Iswiidhishka ah.

Mark Toner oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee dalka Mareeykanka ayaa isaguna ka xun dhacodan, hadii caawimaad naga rabo waan taageerayna dawladda Iswiidhishka ah, ayuu sheegay.

Wuxuu raaciyay:

-Goolka arhaabiinta ayaa ah in ay baqdin ku abuuraan dadka.

Gudoomiyaha gudiga EU, Jean Claude Juncker, ayaa sheegay in weerar lagu soo qaado Iswiidhan yahay mid lagu sameeyay dhamman wadamada EU.

Antonio Guterres ,xoghaya heeyadda Qarammada Midoowdey, ayaa sidan sheegay:

-Waxaan rajeeynaya in sida dhakhsada ugu badan loo qabto qofkii amba dadkii ka dambeeyay weerarkan.

Boqortooyada Ingiriiska oo dhowr todobaad ka hor lagu soo qaaday weerar argagaxiso ah ayaa u tacsiyeeynaya dalka Iswiidhan. Sido kale madaxweeynaha waddanka Ruushka ee Vladimir Putin iyo hogaamiyaha waddanka Jarmalka Angela Merkel.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".