Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laba qof mahee waa la sii daayey dadkii loo qabtey falkii jimcihii

La daabacay måndag 10 april kl 11.28
Ciidanka ammaanka oo baaris ku guda jira.
Ciidanka ammaanka oo baaris ku guda jira. sawir: Johan Nilsson/TT

Laba qof maahee waxaa la sii daayey dhammaan dadkii loo qabtey falkii loo adeegsadey baabuurka xamuulka ah oo maalintii jimcaha ka dhacey bartamaha magaalada Stockholm.

Dhanka kalana waxaa wali daaweyn ku socotaa laba qof oo si xun ugu dhaawacmey falkaas maalintii jimcaha ee argagixisada lagu tuhunsan yahay, sagaal qof oo dhaawac ah ayaa wali waxay ku jiraan isbitaalada .

Ilma yara oo ka mid ahaa dadkii falkaas ku dhaawacmey ayaa isbitaalka ka baxay maalinimadii axadda.

Ciidamada booliiska nawaaxiga magaalada Stockholm ayaa wali sii wada hawlo ay amniga ku adkeynayaan.

Lars Byström oo ah afhayeenka ciidamada booliiska magaalada Stockholm ayaa wuxuu yiri sidan soo socota:

-  Hawlgalkaan waan sii wadi doonaa, cid kasta oo falkii dhacey naga caawineysana waanu la hadleynaa , ayuu yiri Lars Byström oo afhayeenka ciidamada booliiska magaalada Stockholm.

 Nin 39 jir ah oo loo qabtey in uu falkaas ka danbeeyey ayaa waxaa sii xoogeystey calaamadaha muujinaya in isagu uu falkaas ka danbeeyey.

 Ninkaan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Uzbekistan ayaa dalkaan Sweden wuxuu magangalyo weydiistey sanadkii 2014-kii balse wuxuu heley diidmo codsigiisa ku wajahan, laga soo bilaabo 27 bishii febraayo ayaa ninkaan la goobayey si dalkaan looga masaafuriyo.

Danbi baaraha kiiskaan gacanta ku haya ayaa maalintii axadda soo qabtey qof kale oo falkaan lagu tuhunsan yahay, gaar ahaan waxaa qofkaan lagu tuhunsan yahay in uu geystey dil qaab argagixiso ah.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula soo xiriirey reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven kaas oo isaga iyo shacabka reer Iswiidhanba uga tacsiyadeeyey falkii maalintii jimcihii ka dhacey bartamaha magaalada Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".