Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kulan looga xaajooneyo falalka dembiyada ee gawaarida xamuulka

La daabacay måndag 10 april kl 12.29
In la helo hab looga hor-tegi karo
(2:13 min)
Anna Johansson (S), wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale.
Anna Johansson (S), wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale. sawir: Thomas Johansson/TT

Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale Anna Johansson (S) ayaa inta toddobaadkan lagu guda jiro isugu yeertay shirkadaha gawaarida sancadeeya iyo mulkiileyaasha gawaarida xamuulka sidii looga wada xaajoon lahaa habka looga hor-tegi karo af-duubka gawaarida xamuulka.

– Waxay noqon kartaa hab teknolooji ah. Tusaale ahaan inaan la kicin karin gaari xamuul ah haddii aannu ahayn darawalkii dhabta ahaa, fariin awtamaatik ah, qufullo lagu xiro iiwm. Waxay sidoo kale noqon kartaa habab kale ee looga hor-tago, sida ay sheegtay wasiiraddu.

Marka laga yimaado in loo helo xal tekneloojiyo ah waxaa sidoo kale laga wada xaajoon doonaa in la helo isbaarooyin la dhigo goobo ka mid ah faras-magaalaha, sida ay sheegtay Anna Johansson (S).

– Waa in dhabbooyinkeennu noqdaan kuwo ammaan ah, waxaana loo baahan yahay sidii loo heli lahaa hab isbaarooyin ah ee looga hor-tago ammaan-darrada weerrarada noocaasi ah oo kale. Waana sababta dhalisay in kulankaa lagu casumi sidoo kale degmooyinka.

Dood ayaa middaa laga yeeshay waddammada EU wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii noocooda ahaa ee ka dhacay magaalooyinka Baarliin iyo Nice. Hase yeeshee waa mid u baahan dheeli-tir. Xad ayaa jira xadidaya habka wax looga qaban karo, sida ay sheegtay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".