Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Maxamuud:"Dhacdadani baqdin ayey igu abuurtay"

La daabacay måndag 10 april kl 15.27
Booliska:"Waa in taxader dheeraad ah la muujiyo"
(2:51 min)
Goobtii uu weerarku ka dhacay.
Goobtii uu weerarku ka dhacay. sawir: Mona Ismail/Sveriges Radio.

Saddex maalmood ayaa ka soo wareegtay weerarkii naxdinta lahaa halka u baabuur xammuuk ah afar qof ku dilay suuqa Drottninggatan ee magaalada Stockholm. Raadiyaha Iswiidhan ayaa maanta booqatay suuqan iyo dadkii halkaas iskugu yimid si ay u xasuusdaan dhacdodan.

Booliska magaaladan ayaa tuhunsan in dhacdadani raad ku leedahay argagaxisnimo. Islamarkaas ayaa hadda la qabtay laba qof oo lagu tuhmayo in ay dhacdodan ka dambeeyeen nin 39 jir asal- ahaan ka yimid waddanka Uzbekistaan iyo nin kale.

Ciidamada sirdoonka ee Säpo ayaa u digaysa dadka ajaanibta ah, khaasatan dadka aaminsan diinta islaamka ah in ay taxader dheeraad ah muujiyaan madama ay jiraan dad aaminsan fikrado cunsurnimo ah. Sidaas ayuu soo qoray wargeeyska Dagens Industri. Hasayeeshe fikirka uu Maxamuud oo aan kula kulmay suuqani ka qabo koxahani maxeey tahay?

-Khasab waan baqayna waa in aan taxader dheeraad ah muujiyo si aan u khatarta uga ilaaliyo reerkeeyga iyo caruurteeyda. Aad baan uga xumahay dhacdodan waaney i saameeysay.

Booliska waddanka ayaa dhowaan shir saxaafadeed ka sheegay in baadhitaanka weerarkani qaadan karo muddo sannad ah.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".