Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kulan weynihii xisbiga S uga socday magaalada Göteborg

La daabacay måndag 10 april kl 17.21
Dhacdadii Stockholm oo saameeysay shir-weynaha S
(8:10 min)
Kulan-weynaha S uga socda Göteborg.
Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S). sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Kulan weynihii xisbiga Socialdemokraterna (S) uga bilowday sabtidii ina dhaaftay magaalada Göteborg ayaa ku soo beegnay maalin kadib dhacdadii argagixisada la tuhu-san yahay ee faras-magaalaha Stockholm.

Hoggaamiyaha xisbiga (S), Stefan Löfven ayaa ku khasbanaaday inuu ku nagaado magaalada Stockholm oo aan sida caadadu ahayd aan shir-weynaha lagu furin khudbaddiisii, hase yeeshee goob joog ka ahaa shir-weynaha maalintii xigtay ee axaddii ina dhaaftay:

Mubaarik Abdirahman.

Siyaasadaha la xiriira suuqa shaqada, caafimaadka, wax-barashada, ammaanka iyo siyaasadda soo-galootiga ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaeyn ee dooduhu ka dhici doonaan muddada uu socodo shir-weynaha xisbiga Socialdemokraterna sabtidii uga bilowday magaalada Göteborg.

Siyaasadda la xiriirta socdaalka ayaa ka mid ahaa arrimmaha doodaha ballaaran ka abuurey xisbiga dhexdiisa intii aanu shir-weynuhuba bilaaban, iyadoona mooshinnada qaarkood lagu soo ban-dhigey in wax laga bedelo xeerka deggenaansho ee ku meel-gaarka ah, lagana dhigo mid joogto ah iyo mideeynta qaraabada kala maqan.

Doodo ballaaran oo fiid-nimadii sabtidii amuurtaa laga yeeshey ayuu hoggaanka xisbigu wax ka yara bedelay qoraalkiisii la xiriiray socdaalka iyo in dhabbada siyaasadda ee xisbigu tahay deggenaanshaha joogtada ah iyo suurtagalka ah mideeynta qaraabada iyo qooysaska kala maqan oo la oran karo in meel dhexe la isugu yimid.

Siyaasadda dhanka ammaanka ayaa iyaduna ka mid ahayd arrimmihii sida aadka ah loo hadal hayey, middaasina oo salka ku haysay dhacdadii jimcadii ina dhaaftay ka dhacday faras-magaalaha Stockholm, middaasina oo saameeyn ballaaran ku yeelatay shir-weynaha: 

Dood muddaba dalka ka socotay oo la xiriirtay macaashka shirkadaha ku howl-gala adeegga hab-nolol-wadaagga iyo sidii loo xadidi lahaa. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".