Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Eedeeysane Akilov oo maxkamad ku xukuntay in ruumaanka lagu hayo

La cusbooneeyay tisdag 11 april kl 11.35
La daabacay tisdag 11 april kl 08.48
Akilov oo qirtay dembigii lagu tuhun-sanaa
(1:39 min)
Rakhmat Akilov
Rakhmat Akilov.

39-jirka lagu tuhun-san yahay inuu ka dambeeyay fal lagu tuhun-san yahay inuu argagixis-nimo ahaa oo maanta maxkamadda degmada Stockholm la hor-keeay.

Eedeeysanaha ayaa maxkamadda lagu soo taagay tuhun adag sidii go’aan looga gaari lahaa in ruumka lagu sii hayo, sida uu ciidanku ammaanku shaaca ka qaaday.   

Ammaanka maxkamadda              

- Goobta ay maxkamaddu ka dhici doonta ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyey, sida uu sheegay Thomas Östman ahna madaxa laanta ammaanka ee maxkamadda degmada Stockholm oo u warramayay laanta wararka Ekot.

39-jirka lagu tuhun-san yahay falka argagixis-nimo ayaa shalayto oo isniin ahayd uu dacwad ruumka lagu dhigo ku soo oogay xeer-ilaaliye Hans Ihrman. Waana markii ugu horreeysay oo uu eedeeysanuhu si furan u bayaanin doono halka uu ka taagan yahay eedeeynta lagu tuhun-san yahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".