Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Vänsterpartiet oo aan lagu casumin ka wada xaajoodka argagixisada

La daabacay tisdag 11 april kl 11.56
Wada hadal siyaasadeed
(2:18 min)
Jonas Sjöstedt (V), oo ubax dhigaya goobtii masiibada.
Jonas Sjöstedt, hoggaamiyaha xisbiga Bidixda. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa doonaya inuu qayb ka noqdo wada hadalka cusub ee dowladu uga hadli doonta ka hortaga argagixisanimo.

Wasiirka arimaha gudaha Anders Ygeman, ayaa laga soo wariyay in uusan casumaada u dirayn xisbiga vänsterpartiet.

Labo sano ka hor ayaa wada hadal ku saabsan qorshaha ka hortaga argagixisanimo dowlada ku casumtay xisbiyada mucaaradka. Xisbiga Vänsterpartiet ayaa wada hadalkaas ka baxay maadaama uu aaminsanaa xisbigu in hishiiska shirka ka soo baxay uu khatar ku ahaa dhowrista shaqsiyada qofka.

Hogamiyaha Vänsterpartiet Jonas Sjösted kama shalaynaayo in uu ka baxay wada hadalkaasi, laakinse waxuu aqbalay go’aamada ka soo baxay.

-  Go’aamadaasi ma aha in dib looga xaajooda, maadaama ay baarlamaanka hore u ansaxiyeen. Inkastoo oo aay jireen qodobyo oo aan uga fikir duwanayn, taasi kama hor taagano in hada sharciga qeybahiisa kale aan isla fiirino oo wada hadalka aan ka qeybqaadano.

Heshiiska dowlada iyo mucaaradka isku raaceen oo la dhaho ’Strategi mot terrorism’, qodobyo ka mid ah ayaa ahaa in la badiyo kaamiradaha waxa illaaliyo iyo macluumaad aruuriska qarsoodida ah. Jonas Sjösted ma doonaayo in uu fikir ka dhiibto waxa ay xisbigiisa maanta ay aqbalikaraan hadii wada hadalka cusub ay ka qaybqaataan.

Wasiirka arimaha gudaha Anders Ygeman ayaa sheegay in qorshaha la isku raacay 2015 ay ka jiraan go’aamo loo baahan yahay in la qaato sanad iyo labo sano kadib.

Hadii uu Vänterpartiet go’aankiisa ka laabto, markaas waa laga yaabaa in aan wada hadalno, ayuu yiri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".