Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin labaad oo lagu tuhunsanaa dhacdadii Stockholm oo la daayay

La daabacay tisdag 11 april kl 12.28
Maxkamadda degmada Stockholm oo ay ka dhacday dacwaddii Akilov.
Maxkamadda degmada Stockholm oo ay ka dhacday dacwaddii Akilov. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Hayadda xeer-ilaalinta ayaa oodda ka qaaday shakhsigii labaad ee lagu tuhun-sanaa inuu gacan ku lahaa falkii argagixis-nimo ee jimcadii ina dhaaftay ka dhacay magaalada Stockholm, sida ay hayaddu war saxaafadeed ku baahisay.

Xeer-ilaaliyaha ayaa dib uga laabtay xukunkii ruumka ee axaddii ina dhaaftay lagu xukumay shakhsigaasi, iyadoona lagu tuhun-sanaa inuu gacan ku lahaa falkii argagixisada ee dilka sababay.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kolkii uu qareenkii Rakhmat Akilov maxkamadda ka sheegay inuu macmiilkiisu qirtay inuu ka dambeeyay falkii argagixis-nimo ee jimcadii ka dhacay magaalada Stockholm dabadeedna lagu xukumey ruumka.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegy inuu hoos u dhacay tuhunkii laga qabay eedeeysanaha sidaa-daraadeed aanay jirin sabab ruumka loogu sii hayo. Sidaasi oo ay tahay ayaan ninkaasi xabsiga laga sii deeyn doonin maadaama horay looga gaaray go’aan ah in dalka laga tarxiilo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".