Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bishaaro:"Waxaan ka baqaya in la igu soo boodo"

La daabacay tisdag 11 april kl 14.23
Falkii argagaxisnimo iyo muslimiinta
(2:32 min)
Weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm.
Weerarkii argagaxiso ee magaalada Stockholm. sawir: JONATHAN NACKSTRAND

Dhowr maalmood ayaa ka soo wareegay falkii argagaxiso ee magaalada Stockholm. Dhacdodan ayaa baqdin ku abuurtay qaar ka mid ah muslimiinta dalka ku nool.

Bishaaro Axmed ayaa ka mid ah dadka ay dhacdadii argagaxisada aheeydi saameeysay. Waxeey ku nooshahay magaalada Västerås waxaaney macallimad u tahay qaxootiga waddanka ku cusub ee waxbarashada luuqada la baro af-iswiidhish SFI.

Falkan argagaxiso ayaa jimcihii ina soo dhaafay ka dhacay suuqa Drottninggatan oo ah suuqa ugu saxmada badan dalka. Meeshaas ayaa afar qof la jiidhsiiyay baabuur xammuuk ah. Kuwan ayaa dabeetana u dhintay dhaawacii halkaas ka soo gaadhay.

Rakhmat Akilov 39 jir u dhashay dalka Uzbekistan ayaa loo tuhmaya in uu falkan ka dambeeyay. Dhowaan ayuu boolisku shaciyay in ninkan la xidhi doono inta ay baadhitaanka wadaan.

Bishaaro Axmed ayaa sheegtay in ay ka hor falka argagaxiso la kulantay cunsurnimo, laakin ayey u jeeda, in ay hadda ka dib falka argagaxiso u baqayso nafteeda. Waxeey dhammaan haweenka xijaaban kula tallinaysa in aaney keli socon habeenimada. Waa sida ay hadalka u soo dhigtay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".