Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardeyda barata macallin-nimada ayaa qishka ugu sita jaamicadaha

La cusbooneeyay onsdag 12 april kl 12.31
La daabacay onsdag 12 april kl 08.42
Karin Boman: Sida wax loo sheego in loo dhaqmo
(2:51 min)
Jag ska aldrig fuska igen
Jag ska aldrig fuska igen sawir: Aleksander Djordjevic / Sveriges Radio

Jaamicadda stockholm ayaa ah jaamicadda dalka ugu ardeyda badan, isla-markaana ey dhigtaan ardeyda ugu qishka badan ee dalka.

Ardeyda dhigata maadooyin ey ka mid yihiin habka wax-baridda, barbnaarinta iyo culuunta dhallaanka iyo dhallin-yarada ayaa bar ka ahaa tirada qishka lagu qabtay ee imtixaannada sannadkii 2016. Tiradaasina oo gaarsiisnayd 39 ka mid ah 89 ruux ee qish lagu ciqaabay, sida laga soo xigtay laanta anshaxa ee jaamicadda.

Ku simaha jaamicadda Claes Hättestrand ayaa sheegay inay soo gaartay in ciriiriga wakhtigu ugu wacan yahay ardeyda qishka.

Min-guuriska ayaa inta badan la isticmaalaa

Qishka ugu daran waa min-guurista. Ciqaabta ayaa u dhexeeysa min digniin illaa iyo jaamicadda oo laga eryo illaa iyo 16 toddobaad.

Karin Boman waa 22 jir dhigata sannadkii labaad tacliinta macallimiinta ee xannaanada dhallaanka iyo dugsiga hoose. Waxay aamin-san tahay in qofka qisha uu u baahan yahay inuu dib uga fekero haddii uu/ay doonayso inay macallin-nimo ku shaqeeyso mustaqbalka.

– Waxey leedahay soo jiidasho. Haddii aad qudhaada ogsoon tahay inaadan ka soo bixi karin, waxaa markaa loo baahan yahay in tallaabo dib loo qaado oo la is qiimeeyo, sida ay sheegtay. 

Iyada oo muddo laga maqnaa wax-barashada

Waa maxay haddaba sababta ka dambeeysa qishka? Claes Hättestrand ayaa aamin-san dhowr sababood iney ugu wacan tahay.

– Qaar badan oo ka mid ah ardeyda dhigata jaamicadda macallimmiinta ayey da’doodu ka sarreeysaa 25 sannadood ama muddo ka maqnaa wax-barashada iyagoona qorsheeystey iney goor dambe wax-barasho dib ugu soo noqdaan. Waxaa dhici karta in ay ku adag tahay la qabsiga habka wax-barashada oo aanay ugu sahlanayn sida dhallin-yarada horay jaamicadda uga bilawda kolka ey wax-barashada dugsiga sare dhammeeystaan, sida ay sheegtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".