Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Umuliso dacwaddeedii ku guuldarreeysatay

La cusbooneeyay onsdag 12 april kl 12.43
La daabacay onsdag 12 april kl 10.59
Xukunkii maxkamada shaqada
(3:02 min)
Barnmorskan Ellinor Grimmark och juristen Ruth Nordström och en skylt där det står Arbetsdomstolen.
Umuliso Ellinor Grimmark, gar-yaqaan Ruth Nordström iyo sumadda maxkamadda shaqada. sawir: Umuliso Ellinor Grimmark, gar-yaqaan Ruth Nordström iyo sumadda maxkamadda shaqada.

Maxkamadda shaqada ayaa maanta go’aan diidmo ah ka gaartay kiis ay dacwad ugu gudbisay umuliso Ellinor Grimmark oo horay shaqooyin ay codsatay loogu diiday, maadaama ay sheegtay in aanay doonayn inay qayb ka ahaato howlo ay ka mid yihiin haweenka ilmaha laga soo rido.

Maxkamadda shaqada (AD) waxay go’aankeeda ku sheegtay in aan la takoorin.

"Maxkamadda shaqada ayaa sheegtay inay shuruudaha qaarkood yihiin kuwo uu wakhtigoodii dhammaaday, islamarkaana umulisadu ay caddeeyn wayday eedeeymaha qaarkood ", sida maxkamaddu qortay. 

- Go’aanka maxkamadda sare ayaa hage u noqon doona mustaqbalka sida arrimahaan oo kale loo xalinlahaa, sida ay sheegtay Kavot Zillén oo ah doktoor ku taqasustay sharciga caafimaadka oo ka howl-gasha Jaamacada Stockholm.

Umuliso kale ayaa sugaysaa in la furo kiiskeeda, oo arrinkaan la mid ah.

Waxay ahayd gu’ga 2013 markii ay Ellinor Grimmark loo diiday shaqo xilliga xagaaga oo isbitaalka haweenka oo ku yaal Eksjö. Ma aysan doonayn in ay ka shaqeyso ilma-riddida sababtana waxay la xiriirtay diinta masiixiga oo ay aaminsanayd. Labo isbataal kale ayaa ku diiday in ay shaqaaleysiiyaan asbaabahaan owgood.

Ellinor Grimmark arrinka waxay dacwad uga gudbisay hayadda Wakiilka ka hortaga takoorka ( Diskrimineringsombudsmannen) oo ku soo warceliyay in kiiskeedu aanu la xiriirin arrimo takoor. Maxkamada degmada Jönköping ayaa sidoo kale aamisnayn in arrinkeeda la xiriiro arrimo takoor. Inkastoo kharashka maxkamada uu ku dhow yahay hal malyan ayay kiiska awooday in ay hore u sii wado.

Ekot oo horey u soo warisay inuu kiiskaan maalgaliyay kana dambeeyo ururka caalamiga  ururrada diinta masiixiga u dooda magaciisana loo soo gaabiyo ADF - Alliance Defending Freedom (isku-tagga difaaca xorriyadda). Ruth Nordström oo ah Ellinor Grimmark qaareenkeeda waxay tiri in arrinkaan hadii ay maxkamda degmadu ku diido ay la tagi doonaan Maxkamada Sare ee Midowga Yurub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".