Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Asxaabta Akilov :"Aqoon u ma aanu laheeyn diinta islaamka"

La daabacay onsdag 12 april kl 11.13
Nolosha argagaxiyaha
(1:38 min)
Argagaxiye Rakhmat Akilov inta aanu falka argagaxisada ah sameeyn.
Argagaxiye Rakhmat Akilov inta aanu falka argagaxisada ah sameeyn. sawir: TT

Dhacdadii jimcihii ina dhaaftay oo weli sii socota. Asxaabta ninka la tuhmayo Rakhmat Akilov ayaa caddeeyay in wakhtigii ugu damebeyay isbedel weyni ku dhacay nolosha Akilov. Tusaale haan in uu dhowaan bilaabay taageerada fikirada argagaxisada.

-Waxaan u sheegay in xaaladeeydu ka darrantahay tiisa, in hadii la igu celiyo Uzbekistaan xabsi aan geli doono dabeetana jidh dil la ii geysan doono. Laakin in uu isagu weli yahay nin dhalinyaro ah oo mustaqbal wanaagsan leh. Sidaas ayuu sheegay nin lagu magacaabay Farshad oo ay saaxiibo ahaayeen ninka hadda lagu tuhunsan yahay in uu dhacdadan ka dambeeyay.

Farshad ayaa sheegay in ay Akilov isku barteen xaafad ku taala magaalada Stockholm. Sawirka uu waagaa ka haystay wuxuu ahaa nin jecel shaqadiisa.

Wuxuu ii sheegay ayuu yidhi in ay xaaskiisa kala tageen.

Waxaa caddaatay marka liiska wakaaladda socdaalka laga baadhay inuu magac kale isku dhiibay sannadkii 2014. Bishi juun ayay wakaaladdu
go´aamisay in ay diidmo siiso ninkan hasayeeshe uu ilaa waagas sharci- darro ku joogay waddanka.

Sido kale ayey asxaabta ninkani sheegtay in caafimaadkiisu aanu wanaagsanayn wakhtigii ugu dambeeyay islamarkaana uu bilaabay in uu isticmaalo mukhaadaraad.

Rakhmat Akilov ayaa ahaa nin aan aqoon u laheeyn diinta islaamka ah, sida ay sheegen qaar ka mid ah asxaabtiisa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".