Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nabad sugidda: Waxaa jira saansaamo falal aargudasho

La cusbooneeyay torsdag 13 april kl 09.10
La daabacay onsdag 12 april kl 16.54
Nabadsugida
(3:36 min)
Shiikh Xuseen Faarah, imaamka xarunta dhexe dhaqanka islaamka Rinkeby.
Shiikh Xuseen Faarah, imaamka xarunta dhexe dhaqanka islaamka Rinkeby.

Falka argagaxiso oo jimcihii ina soo dhaafay ka dhacay suuqa Drottninggatan ayaa ahaa dhacdo dalka iyo dadka aad u gilgishay. Raadiyaha Iswiidhan ayaa waraysi la yeeshay Xusseen Faarax oo ah imaam iyo qof bulshada soomaaliyeed ka dhaxmuuqda.

Jimcadii ina dhaaftay oo fal argagixis-nimo leh uu ka dhacay magaalada Stockholm ayuu xilligaasi Xusseen Faarax ku jiray shaqada. Bas ayuu waday. Wakhtiga dhibka dhacay waxuu ku sugnaa is-gooyska waddooyinka kungsgatan drottninggatan goobtaasina oo uu ka dhacay falka argagaxis-nimo.   

Arrinta dhacday waxay ahayd mid murugo leh oo ay cid walba ka damqanayeen ayuu yiri Husseen Faarax. Meeshaa waxaa ku dhaawacmey 15 qof afarna wey ku dhinteen dhaawacyadii ka soo gaarey.

Falkaasi ayuu ka dambeeyay nin u dhashay dalka Uzbekistan.

Xuseen Faarax ayaa aamin-san in dhibaatooyinkaasi oo kale kolka ey dhacaan suurtagal noqon karto in dadka muslimiinta la beegsado. Sidoo kale wuxuu is-bedel ku iman karaa shuruucda dalka oo la adkeeyo iyo kooxaha xag-jirka oo ku kobca. Sidaa daraadeed dhibaato ayuu ninkani soo jiiday, sida uu aamin-san yahay Hussein.


Waxaa kale oo jirtaa inuu isniintii dhawayd uu madaxa ciidamada sirdoonka Anders Thornberg ka digay in ay dhici karto cunsuriyiintu in ay ku tallaabsadaan falal aargoosasho, iyo in ciidammada uu madaxda ka yahay ay la socdaan, ishana ku hayaan.

Xusseen Faarax ayaa kula taliyay soomaalida reer Sweden in loo baahan yahay in lala xiriiro ciidanka ammaanka ciddii wax loo geeysto oo aanay qarsan ama la aamusin, sidoo kale ciddii welwel uu ka hayana la xiriiri karaan masaajidda.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".