Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Afartii ruux ee ku geeriyootey weerarkii Drottningsgatan

La daabacay onsdag 12 april kl 17.32
Maïlys Dereymaeker, Ebba Åkerlund, Chris Bevington, Lena Wahlberg.
Maïlys Dereymaeker, Ebba Åkerlund, Chris Bevington, Lena Wahlberg. sawir: Privat

Axaddii ina soo dhaaftay waxaa si aad ah la isugu soo baxay sidii loogu tacsiyadeyn lahaa afartii ruux ee ku geeriyootey falkii argagixis-nimo ee galab-nimadii jimcadii ka dhacay faras-magaalaha Stockholm

”Waxaannu si kal iyo laab ah uga mahad-celineynaa guud ahaan bulshada reer Sweden wanaaggii, jacaylkii iyo qiiradii ey noo muujiyeen xilli aannu murugo ku jirney.”

Wuxuu ahaa dhambaal laga akhriyay idaacadda la iska daawado ee TV4 oo uu qoray qoys ka mid ah qoysaskii qaraabada ku waayay falka argagixis-nimo.

11-jirka Ebba Åkerlund waxay ka timid iskuulkeeda oo ay ku socotay guriga. TV4 oo la hadlay mid ka mid ah gabadha qaraabadeed ayaa sheegay inay bas magaalada u soo qaadan jirtay, dabadeedna tareenka ku badalan jirtay.

Maalintan ayay Ebba, sida uu qoray war-geeyska DN, balan la lahayd hooyadeed agagaarka maxaddada tareenka dhulka hoostiisa ku socdaala.

Ogolaansho ay laanta idaacadda P4 Väst ka heshau qoyska ayay ku daabacday sawirka iyo magaca Lena Wahlberg, kana mid ahayd dadyoowgii falka argagixis-nimo ku geeriyoodey.

Lena Wahlberg waxay ahayd hoggaamiyaha laanta Ljungskile ee ururka caalamiga ee Amnesty. Halkaasina oo ay ku dhaqnayd. Da’deeda ayaa ahayd 69 jir.

– Waxay u xaglin jirtay xuquuqda bani’aadamka. Waxay ku dadaali jirtay sidii ay u muujin lahayd dadka aan codkooda la maqal. Cafis guud oo qaxootiga la siiyo. Mid ka mid ah bani’aadamka ugu wanaag-san, sidoo kale waxay ahayd qof ku cadcaddeeyd inuu xaqu guuleeysto, sida ay sheegtay Inger Lindvall, oo ay urur ku wada jireen mar ay u warrameeysay laanta idaacadda P4 Väst.

Chris Bevington qoyskiisa ayaa qoraal ku soo saaray wasaaradda arrimmaha dibadda ee waddanka boqortooyada Ingiriiska geeridii wiilkooda dabadeed.

”Waxaan aad uga xunnahay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wiilkayaga Chris oo ay geeri lama filaan ahi la soo gudboonaatay. Say, wiil, aabbe, walaal, saaxiib dhow oo wanaagsan intaba ahaa.”

Wuxuu ahaa 41 jir muwaadin dalka boqortooyada Ingiriiska u dhashay. Wuxuu ka mid ahaa madaxda shirkadda Spotify ee magaalada Stockholm. Abuuraha shirkadda Daniel Ek ayaa dhacdadaa ereyo ka yiri. "Chris wuxuu ka mid ahaa kooxdayada muddo shan sannadood kor u dhaafaysa. Muhiimmad ballaaran ayuu ugu fadhiyay shirkadda iyo cid walba oo nasiib u yeelatay inay la kulanto, barato ama la shaqeeyso.”

Kolkii uu gaariga xamuulku soo gaaray halka ay iska jaraan waddooyinka  Drottninggatan iyo waddada Olof Palme waxaa goobtaa ku sugnayad 31-jir u dhalatay dalka Beljimka ee lagu magacaabo Maïlys Dereymaeker, halkaasina oo ay ku sugeeysay saaxibadeed oo ey la ballan-sanaayeen. War-geeyska DN ayaa qoray inay markii ugu horreeysay booqasho ku timid Sweden, isla-markaana noqotay qofkii ugu horreeyay ee weerarkaa ku geeriyooda.

Madaxa dawladda ee dalka Beljimka, Didier Reynder ayaa shaashadda twitter-ka: "Nasiib-darro waxaannu  weerarkaa ka dhacay magaalada Stockholm ku weeyney muwaadinad. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskeeda, qaraabadeed iyo asxaabteedii"

Maïlys Dereymaeker waxay ku howl-geli jirtay cilmi-nafsiga. Iyada oo sida laga soo xigtay saxaafadda flamländska medier ay u shaqeeyn jirtay qaxootiga, wakaaladda socdaalka ee dalka Beljimka. Waxay wiil yar oo ay dhashay la deggenayd magaalo yar oo lagu magacaabo Halle.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".