Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaarkood caddeeymihii gaadhiga weerarka lagu geeystay oo gubtay

La daabacay torsdag 13 april kl 10.27
Torgny Carlsson:"Natiijadii aan baadhitaanka ka sugaynay ayaa hoos u degay"
(1:10 min)
Baaburkii xamuulka ahaa oo laga qaadayo goobtii falka argagaxisada.
Baaburkii xamuulka ahaa oo laga qaadayo goobtii falka argagaxisada. sawir: Maja Suslin/TT

Baadhitaankii falka argagaxisada ee ka dhacay magaaalada Stockholm toddobaadkii hore ayaa sii socda. Heeyada FOI ayaa baadhitaankii ugu horreeyay ku sameeysay baabuurkii xamuulka ahaa.

Baabuurkaas ayaa islamarkiiba la caddeeyay in laga helay maddooyin qarxi karaa.

Hasayeeshe ayuu, sida uu sheegay Torgny Carlsson oo ka hawlgala heeyada FOI in baadhitaanku sii adkaaday madama ay qeeybta uu darawalku fadhiyay (shirka gaadhigu) uu gubtay. Taas ayaa ka dhigan in natiijada laga sugayo baadhitaanku uu hoos u dhacay.

-Qeeybta hore ee baaburka ayaa gubatay taasi waxeey ka dhigan tahay iney cadeeymihii qayb gubteen.

Weli lama sheegiin maddooyinka uu boolisku ka helay gaadhigan. Faahfaahin intaa dhaafsiisan iyo in maddooyinkani ahaayeen waxyaalo qarxi kara, ma dhiibi karno, sida uu boliisku horay u sheegay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".