Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hey’adda wadooyinka : "Taxadar muujiya safaradiina ciidal fusxiga"

La daabacay torsdag 13 april kl 10.53
Hey'adda wadooyinka oo u digeysa dadka safraya ciidal fusxiga
(1:38 min)
Caruur u labistay sida cajuusada ciida fisxiga "påskkärring"
Caruur u labistay sida cajuusada ciida fisxiga "påskkärring" sawir: Jonas Ekströmer / TT

Maadaama usbuucaan dhexdiisa uu dalkaan Sweden ka bilaaban doono fasaxa ciidal fusxigu ”Påsk” ayaa dad badani waxay ku safri doonaan wadooyinka, waxaana loo baahan yahay in dadkaasi ay safarkooda qorsheystaan si ay uga badabaadaan shilalka iyo safafka dheer ee ay wadooyinka dalkaan kala kulmi karaan.

Bengt Olsson waa madaxa hey’adda gaadiidka dalkaan u qaabilsan dhanka warfaafinta , wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-Qofku waa in uu taxadar, taxadar iyo waliba taxadar dheeraad ah muujiyaa,wadooyinka qaarkood ayaa baabuurtu ku badan tahay dadka kuwaas isticmaalayaana waa in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan, ayuu yiri Bengt Olsson waa madaxa hey’adda gaadiidka dalkaan u qaabilsan dhanka warfaafinta.

Maanta oo khamiis ah ayaa safaradaas badankodu bilaaban doonaan, waxayna hey’adda gaadiidku dadkaas safraya kula talineysaa in ay sii qorsheeyaan safaradooda ayna doortaan wadooyinka aysan saxmaddu ku badneyn.

Todobaadkaan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in baraf ka da’o  waqooyiga Götaland  iyo galbeedka Svealand kaas oo sababi kara in baabuurtu ay wadooyinka ku siibtaan amba ay ku sidbato.

Sidaas daraadeed haddii aad safreysid waa in aad sameysaa talaabooyinkaas soo socda:

  1. Safarkaaga bilow waqti ku haboon.
  2. Raac sharciga wadooyinka, xawaarahaagana ku salee kan wadada aad mareyso ku qoran.
  3. Baabuurka kaa horeeya sanka ha ka galin ee u jirso in masaafa ah.
  4. Hubi in dhammaan dadka gaariga kula saarani ay xirteen suunka gaariga.
  5. Markaad intii muddo ah socotidba qaado waqi gaaban oo aad ku nasatid.
  6. Mar walba waa in aad taxadar iyo feejignaan muujisaa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".