Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

KD oo soo jeediyay nidaam lagu dhimo qaxootiga dhuumaaleeysta

La cusbooneeyay torsdag 13 april kl 13.42
La daabacay torsdag 13 april kl 10.54
Ebba Bush Thor: Qaxootiga oo dhan dembiileyaal ma ahan
(5:35 min)
Ebba Bush Thor, hoggaamiyaha xisbiga KD.
Ebba Bush Thor, hoggaamiyaha xisbiga KD

Wixii ka dambeeyey weerarkii argagixisada ee ka dhacay jimcadii ina dhaaftay bartamaha magaalada Stockholm oo ey ku naf-waayeen 4 ruux ayaa dib u soo nooleeyay dooddii la xiriirtay qaxootiga dhuumaaleeysiga dalka ku jooga. Iyadoo ey aqlabiyad xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka dalka Sweden ey taabac-san yihiin in la adkeeyo ugaarsiga dadyoowgaasi. Waana midda hor-seeday inuu hoggaanka xisbiga Kristdemokraterna soo jeediyo fikir la xiriira sidii ammuurtaa wax looga qaban lahaa.

Hoggaanka xisbiga Kristdemokraterna ayaa soo jeediyay in lugta looga xiro jeebbada elektroonikada ajaaniibta looga cabsida qabo iney dhuumaaleeystaan kolka diidmo ey ku helan dalabkooda magangelyo-doon si loola socdo goobta ey ku sugan yihiin´. Waa kuwama haddaba cidda la doonayo in lugta laga jeebbada elektroonikada looga xiro?

– Waxaa maanta nagu yar goobaha lagu xafido dadyoowga deggenaanshaha loo diido ee dalka laga masaafurineyo, kuwaasina oo ka doorta iney si sharci-darro ah dalka ugu nagaadaan. Waxaa haddaba bedel u noqon kara in lugta loogu xiro jeebbada elektroonikada qaasatan kuwooda ay wakaaladda Socdaalku ku qiimeeyso in aaney u dhaga-nuglaan doonin go’aanka tarxiilka ee laga gaarey ama kuwooda ay hayadda nabad-sugiddu ku talo bixisay inaan la siin sharci deggenaansho ammaanka dartii.

Ma qiimeeyseen tirada dadyoowga laga yaabo in loo baahan yahay jeebbada elektroonikada in lugta loogu xiro?

– May, ma ahan mid siyaasiyiinta u taala. Waa in hayadda masuulka ka ahi ka jawaabto. Habab loo raaco ayaa iminka jira ee lagu qiimeeyo cidda baxsanaysa iyo cidda kale. Suurtagalka keliya ee jiraa wuxuu yahay maanta in keyd lagu hayo. Wadanka oo dhanna waxaa ka jira 350 boos oo keyd. Sannadkii hore ayay muuqatay in aaney ku filleyn, sida ay sheegtay.

Sawir bani’aadmi-nimo oo maxay ah ayay tallaabadani ka bixinaysaa dadyoowga aan deggenaanshaha ku lahayn Sweden?

– Waxaan doonayaa inaan caddeeyo in aaney dhammaan ahayn qaxootiga oo dhan. Ruuxa sharciga loo diidaa maahan dembiile, hase yeeshee haddii uu jiro tuhun ah in laga yaabo inuu baxsado ama dhuunto, kolkaa waxaa jira tuhun dembiya iyo in dalka ku joogo sharci-darro. Markaa ayay noqon kartaa mid sababeey-san, sida ay sheegtay Ebba Bush Thor, hoggaamiyaha xisbiga KD.

Su’aasha la xiriirta laba iyo tobanka kun ee dalka ugu dhuumaaleeysanaya sharci-darrada ayaa dib u soo noolaatay wixii ka dambeeyay weerarkii waddada Drottninggatan jimcadii ina dhaaftay ahaydna 7-dii bisha abriil, halkaasina oo eedeeysanaha lagu tuhuns-san yahay inuu falkaasi ka dambeeyay Rakhmat Akilov uu qudhiisu dalka ku joogay sharci deggenaansho la’aan.

Xisbiyada Centerpartiet (C) iyo Liberalerna (L) ayaa dooneya iney arkaan tiro inta maanta ka badan oo dalka laga tarxiilo iyo kontroollada oo la badiyo. Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) wuxuu soo jeediyay tiro ka badan oo keeydka lagu hayo.

Halka uu xisbiga Vänsterpartiet aamin-san yahay in su’aashu tahay mid xilli hore dooddeeda la bilaabey, loona baahan yahay in laga war-dhoowro go’aanka ciidanka ammaanka. Xisbiga Miljöpartiet (MP), ayaa si taxadar leh uga jawaabey su’aal ay middaa ka waydiisay idaacadda la iska daawado ee SVT, hase yeeshee hase yeeshee qaba iney heyaduhu ku howl-galaan sidii ey dalka uga tarxiili lahaayeen tiro ka badan midda iminka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".