Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidda diinta masiixiga ee Påsk oo berito bilaaban doonta

La daabacay torsdag 13 april kl 14.40
Gabay: Ukun, ukun. Cun Ukun. Si uu gar kuugu soo baxo
(6:46 min)
Boojaanta, ukunta, baalasha digaagga iyo midabka jaalaha oo lagu yaqan ciidda Påsk.
Boojaanta, ukunta, baalasha digaagga iyo midabka jaalaha oo lagu yaqan ciidda Påsk. sawir: Anders Wiklund/TT

Laga bilaabo maalinta Jimcada ee Berito ku beegan waxaa dalkan Iswiidhen looga dabaal-degi doonaa ciidda Påsk ama ciidul Fusxa waxa carrabiga lagu yiraahdo.

40 maalmood hortood inta aan la gaarin ciidda Påsk, ayaa ah maalinta mactabka la surey Nebi Ciise, islamarkaana uu beryo kadib dib u soo nooladey loona safriyey samada sida diinta islaamkuba qabto.

Ereyga Påsk ayaa ka soo jeeda luuqadda Hibreega eyna ku hadlaan qowmiyadda Yuhuuddu. "Pesach", ayay ugu yeeraan macnihiisuna yahey "dhaafid ama gudbid".

Ciidda Påsk afkan iswiidhishka lagu yiraahdo ayaa ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee waddammada haysta diinta masiixiga. Inkasta oo ciiddani tahey mid ka soo jeeda reer bani’israa’iil waxaa sidoo kale looga dabaal-degaa dalkan Sweden.

Maalinta Påsk-iga, ayaa leh muhiimadda ugu ballaaran ee xafladda. Waana maalintii Nebi Ciise dib ruuxa loogu soo celiyey ee loo dhoofiyey samada.

Xilliga ciiddan waxaa astaan u ah in noloshu dib u soo bilaabato. Dabeecaddaba ha ahaatee. Waxaa laga baxey xilligii Jiilaalka ee qaboobaha, dhirtii oo cagaaratey, afar maalmood oo dadku fasax yihiin ciidda daraadeed. Waxaa kulma qaraabada. Waxaa loo baxaa dibadaha. Cunno macaan ayaa la cunaa iyo wixii la mid ah.

Ciiddan ayey bulshada iswiidhishku siyaabo kala duwan ugu xafladeeyaan. In kuwa aaminsan diinta masiixiga ey maalinda Påsk-iga ey kaniisadaha taagan oo ku soo alle bariistaan saacadda kow iyo tobanka kolka ey tahey. Intii aan middaa sameyna ey qaraabadu kulanto, wada xafladeyso oo cunnaanna cunno macaan.

Långfredagen, waa maalinta dhibaatada, hase yeeshee sabtida ayaa ah maalinta rajada ee xafladda dhabta ahi dhacdo. Sidoo kale waxaa dalkan looga xafladeeyaa siyaabo kala duwan oo isugu jira qaab diiniyan ah, waa ciddii aaminsan iyo caadooyin ka soo jeeda dhaqanka.

Maxaa ka mid ah caadooyinkaa dhaqanka ka soo jeedaa?

Albaabka oo ey hablo yar yari kugu soo garaacaan iyaga oo u labisan sidii islaamo gaboobey, hase yeeshee shuruud ey u tahey in nacnac la siiyo iyo macmacaan. Sidoo kale waxaa maalinta ciidda si aad ah loo cunaa ukunta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".