Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haweeney iyada oo nool loo diiwaan geliyey inay geeriyootay

La daabacay torsdag 13 april kl 16.22
Dubbe dul-saaran miiska qaaliga maxkamadda.
Dubbaha go'aanka ee maxkammadaha. sawir: Ulf Berglund/TT

Islaan ayaa lagu war-geliyay inay dhimatay oo laga saaray liiska dadyoowga nool kolkii ay cusbital u tagtay inay dhiig ugu yaboohdo.

Islaanta ayaa kolkii ay tagtay daaqadda soo-dhowaynta cusbitalka oo ay is caddeeysay cidda ay tahay lagu war-geliyay inay u qoran tahay inay diiwaanka geerida ku xusan tahay, middaasina oo fajac gelisay. Hase yeeshee islaanta oo ku dhaqan degmada Eksjö ayay hayadda JK u xukuntay mag-dhow, sida uu go’aan ku gaaray, sida uu sheegay war laga soo xigtay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado SVT Nyheter ee magaalada Jönköping.

Xaaladda ay islaantu kala kulantay cusbitalka dabadeed ayay xiriir la sameeysay wakaaladda diiwaan-gelinta bulshada Skatteverket.

- Waxaan ii xaqiiqoowday in la igu khalday cid kale oo geeriyootay. Qofkaasi ayaa lahaa lambarradayda diiwaanka kuwo u dhow oo u dhigma (personnummer), sida ay islaantu sheegtay wareeysi ay siisay war-geeyska Smålands-Tidningen oo sheekadan markii ugu horreeysay soo shaac-bixiyay.

Geerida lagu diiwaan-geliey islaanta ayaa sababtay in laga xiro kaarkii bangiga iyo kii internetka ay ku lahayd bangiga, halka sidoo kale laga joojiyey gunnadii howl-gabka. Hayadda JK ee dusha ka ilaalisa hab-socodka howlaha hayadaha dawliga ah ayaa ku macneeysay falkaasi meel ka dhac ballaaran oo islaanta loo geeystay. Isla-markaana loo xukumay mag-dhow gaarsii-san 20 000 oo koron iyo 1 000 dheeri ah oo loogu mag-dhabay kharashkii kaga baxay telefoonno iyo shidaal gawaaridii ay raacday.

Hayadda canshuuraha iyo diiwaan-gelinta ayaa qoraal iyo afba kaga bixisay raali-gelin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".