Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda Guga oo la soo bandhigay

La daabacay tisdag 18 april kl 11.50
Magdalena Andersson (S), wasiirka maaliyadda Sweden.
Magdalena Andersson (S), wasiirka maaliyadda Sweden. sawir: Adam Ihse/TT

Ciidanka ammaanka, tacliinta iyo cimilada ayaa ka mid ah hayadaha miisaaniyadda dheeriga ah loogu kordhiyay miisaaniyadda guga oo ay maanta soo ban-dhigtay wasirka miisaaniyadda Sweden, Magdalena Andersson.

Mushaarooyinka dhexe iyo kuwa sare ayaa sidoo kale la fileyaa in canshuuraha lagu kordhiyo, halka canshuurta laga dhimi doono gunnada howl-gabka.

Waxyaabo badan oo ka mid ah gunnada guga ayaa horay loo soo ban-dhigay, hase yeeshee maanta si cad loo bayaanin doonaa miisaaniyadda guga iyo wax ka badalka miisaaniyadda guga ee sannadka 2017.

Hayadaha miisaaniyadda dheeriga ah lagu kordhin doono inta hadda la ogsoon yahay waxaa ka mid ah ciidanka ammaanka oo loogu deeqay 700 oo malyan. Dawladda ayaa sidoo kale ugu talo gashay miisaaniyad gaarsiisan 500 oo milyan midkiiba cimilada, difaaca iyo howlaha umulusooyinka. Halka 100 malyan oo koron lagu kabi doono howlaha goobaha dar-yeelka caafimaadka maskaxda ee dhallin-yarada ee heyad-goboleedyada caafimaadka - landstingen.

Kolka laga hadleyo dhaqaalaha qooysaska ayaa la oran karaa in miisaaniyaddani aaney sidaa wax uga badaleyn. Waxaa canshuurta lagu kordhin doonaa dadyoowga qaata mushaarooyinka dhexe iyo kuwa sare. Halka sannadka foodda innagu soo haya ee 2018 canshuurta laga dhimi doono gunnada howl-gabka dhaqaale gaarsii-san 200 oo koronka iswiidhishka ah bishiiba. Middaasina oo wax ka dhimeeysa farqigii canshuuraha ee u dhexeeyey mushaaradleeyda iyo howl-gabka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".