Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wallström: Waa in lala socdo canbaareynta loo jeedinayo Turkiga

La daabacay tisdag 18 april kl 10.13
Wallström: Canbaareynta loo jeedinayo doorashadii Turkiga waa in lal socdo
(1:22 min)
Doorashadii ka dhacday dalka Turkiga oo laba garab bulshadii u qeybsantey.
Doorashadii ka dhacday dalka Turkiga oo laba garab bulshadii u qeybsantey. sawir: TT

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström ayaa sheegtey in ay muhiim tahay in si fiican loo dhageysto dadka dhaliilaya doorashadii axaddii ina dhaaftay ka dhacdey dalka Turkiga.

Margot Wallström ayaa iyadoo arrinkaas ka hadleysa waxay tiri sidan soo socota:

- Arrinkaani waa mid dalka Turkiga iyo siyaasiyiintiisa u yaal balse ma noqon guushii sahlaneyd ee uu madaxweyne Erdogan filayey. Waxaana la isweydiin karaa sida natiijadu noqon laheyd  haddii aan mucaaradka dalkaas la xirxiri lahayn taas oo laga yaabi lahaa in ay dhabarjab ku ahaan laheyd kuwa rabey in ay haa ugu codeeyaan aftidaas, ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström.

Maalintii axadda ayaa waxaa dalka Turkiga ka dhacey  afti loo qaadey in dastuurka dalkaas wax laga badalo taas oo awood dheeraad ah siineysa madaxweynaha dalkaas.

Natiijadii aftida ayaa noqotey in boqolkiiba 51 ay ku guuleysteen dadweynihii rabey in aftidaas Haa loogu codeeyo, halka kuwii arrinkaas ka soo horjeedeyna ay heleen boqolkiiba 49.

Madaxweyne Erdogan ayaa hadda aftidaani waxay siisey awood dheeraad ah oo xoog leh balse wali waxaa cabasha xoog lihi ka soo yeereysaa mucaaradka dalkaas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".