Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cusbitalka ayey weli ku sugan yihiin afar ruux

La daabacay tisdag 18 april kl 15.30
Gargaarkii degdegga ee falkii argagixis-nimo ee dhowaantay ka dhacay waddada Drottninggatan.
Howlihii gargaarkii degdegga ee falkii argagixis-nimo ee dhowaantay ka dhacay waddada Drottninggatan. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Afar ruux ayaa weli ku sugan cusbitalka, halka midkood uu dhaawiciisu weli halis yahay, middaasina oo ka dambeeysay falkii argagixisada ee ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm 7-dii bisha abriil ee 2017.

- Afar ruux ayaa weli cusbitalka ku sugan, halka uu midkood ku sugan yahay waaxda dar-yeelka caafimaadka ee halista, sida uu sheegay Rasmus Sandsten, oo hayadda Landistinget ee magaalada Stockholm u qaabil-san saxaafadda.

Xafiiska kaalmada ee hayad goboleedku u furtay dhacdadii argagixisada ee 7-dii bisha abriil ayaa furraa muddadii afarta maalmood ahayd ee lagu guda jiray ciiddii Påsk-iga.

Xafiiska taageerada iyo telefoonka ayaa halkiisa ka sii furnaan doona muddada toddobaadkan ka harsan. Hase yeeshee wixii intaa ka dambeeya laga xaajoon doonaa baahida loo qabo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".