Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Stockholm oo baaris ku sameeyn doonta falalka anshax dhowrka

La daabacay tisdag 18 april kl 16.56
Under polisutbildningen på två och ett halvt år får aspiranterna bara en dags undervisning kring hedersrelaterat våld. Arkivfoto: Claudio Bresciani/Scanpix
Dad waaweyn oo is garaacaya. Arkivfoto: Claudio Bresciani/Scanpix

Magaalda Stockholm ayaa baaridoonta cadaadiska falalka la xiriira anshax ilaalinta saamayn intee la eg ay ku leeyihiin degmooyinka Stockholm, middas oo ay u danbeeysay sandka 2009.

Waxaa laga soo wareegay mudo 10 sano ku dhow markii ugu dambeeysay daraasad wayn oo baarasyaa dumarka saameyn intee la eg ayay dareemaayaan in uu ku leeyahay anshax dhowrka dhaqan. Hada Stockholm iyo magaalooyinka waaweeyn ee Malmö iyo Göteborg ayaa dib u eegi doona dhibkaan inta uu le'e gyahay.

Suaalaha ku saabsan falalka la xiriira anshax ilaalinta ayaa la waydiin dhammaan dadka deegaanka iyo sida uu u saameeyay.

- Waxaan dhowr sano ka hor sameeynay baaritaan ku sameenay magaalada Stockholm, laakiin waxaa muhiim ah in aan helno falanqayn xaalada hada taagan, iyo nolosha dumarka siday u egtahay iyo meeqa inta uu saameeyay, ayay tiri Åsa Lindhagen, ahna xubin xisbiga MP oo hoggaanka maamulka Stockholm u qaabilsan arrimaha bulshada.

Iskoolada dowr muhiim ah ayay ku leeyihiin in ay dhibatadaan xalkiisa keenaan.

Waxaan qabaa in arrinka uu u kala qaadmikaro in la fahmo waxa aasaasiga u ah habka cadaadiska falalka la xiriira anshax dhowrka iyo sida loo abaaro dhallinyarada ay la soo gudboonaato oona ku dadaalo in ay qariyaan. Iyo in la fiiriyo sida loo caawinikaro dhalanyaradaas in ay ka soo baxaan habdhaqanka cadaadiska, ayay trir Åsa Lindhagen.

Laanta idaacadda P¤ Stockholm ayaa la hadashay da’yarta 17 jirta Ariella oo magaceeda rasmiga ahayn. Qaar badan oo ehelkeeda ayaa nolosha gabdhahooda xakameeyo ayaga oo adeegsanaya daliil ku dhisan anshax dhowr-dhaqmeedka. Waxay tiri in ay iskoolada masuuliyad wayn ka saaran  tahay ka shaqaynta howshaan.

-Waxaa loo baahanyahay in la ogaado in iskoolka mucaawinaad laga heli karo. Waxaa laga yaabaa in uu qofku isa soo dhiiri geliyo (samla mod) si uu ula hadlo kaaliyaha iskoolka, hase yeeshee uu ku yiraahdo arrinka waan la sugaynaa. Markaas oo kale waxaan oranayaa maya, hada ayaan kuugu imid in aad i caawisid, marka hada in aad i caawisid ayaan rabaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".