Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Biyaha Ronneby oo maadooyin kiimikad ah laga helay

La daabacay onsdag 19 april kl 11.01
Magdhow
(0:52 min)
Biyaha degmadda Ronneby oo maadad kiimikad ah laga helay.
Biyaha degmadda Ronneby oo maadad kiimikad ah laga helay. sawir: Ruud, Vidar

Degmadda Ronneby ayey muddo 30 sannadood ah biyaheeda ay ku jirtay maadad kiimikad ah. Kaas oo uu magaceedu yahay PFAS.

Tan ayaa keentay in hadda la baadhayo in dadka biyahan cabay la siiyo magdhow.

Arrinkan, in biyaha laga helo maadad kiimikad ah, ayaa ka jirta waddanka Mareeykanka. Kuwaas ayaa dhowaan loo siiyay lacag magdhow ah dhaawaci halkaas ka soo gaadhay.

Herman Afzelius ayaa hogaamiye ka ah ururka PFAS oo ah kiimikada biyaha laga helay. Wuxuu sheegay in uu taageersanyahay fikirka in dadka degan degmada Ronneby sida dadka waddanka Mareeykanka la siiyo magdhow.

Waxaa la filaya in kiimikada biyaha Ronneby xidhiidh la leedahay militariga halkaas lagu tabobaro oo marka ay dabka demninayaan isticmaala xumbad ay maadadani ku jirto.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".