Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Caruuraha iskuulada oo caafimaadkoodu liito

La daabacay onsdag 19 april kl 15.36
Kadeedis iyo welwel
(1:08 min)
Ardayda da´doodu tahay 15 oo fasalka lagu dhibaateeyo.
Ardayda da´doodu tahay 15 oo fasalka lagu dhibaateeyo. sawir: Jessica Gow/TT

Boqolkii ba lix caruuraha ay da´doodu tahay 15 ayaa dareemaya in iskuulka lagu kadeedo. Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan uu ururka dhaqaalaha ee OECD amuurahan ka sameeyay

Baadhitaankan, oo ka mid ah kii la soo bandhigay bishii diseembar sannadkii hore ee Pisa ,ayaa xooga saaray ardayda iskuulka dhigta iyo xaaladooda caafimaad.

Boqolkii ba 17,9 caruuraha baadhitaankan lagu wareeystay ayaa sheegay in bishii dhowr jeer lagu dhibaateeyo fasalka. 

Sido kale ayaa la arkay in faraq u dhaxeeyo caruuraha ka yimid qoysaska wax soo bartay iyo kuwa aan wax baran.

Boqolkii ba 16 caruuraha ka yimid qoysaska waxbarashada leh ayaa sheegay in iskuulka lagu dhibo halka ay tiradani tahay boqolkii ba 20 caruuraha walidkood wax soo baran.

Dhanka kale ayey caruuraha baadhitaankan lagu wareeystay u jeedaan in culays iyo cadaadis dheeraad ah dareemaan marka ay imtaxaanka gelayaan Boqolkii ba 61 ayaa sheegay in ay welwelaan xitaa hadii ay isku diyariyeen imtaxaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".