Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kala badh dadka waddanka ku nool ayaa cayilan

La daabacay torsdag 20 april kl 10.33
Boqolkii ba 51 dadka waddankan ayaa cayilan.
Boqolkii ba 51 dadka waddankan ayaa cayilan. sawir: Ingvar Karmhed / SvD / TT

Kala badh oo badh dayowga ku nool dalkan waxaa ay la ildaran yihiin dhibaatooyinka cayilka.

Sidaas ayuu mujiinaya baadhitaan ay heeyada caafimaadka bulshadda, Folkhälsomyndigheten, maanta u gudbin doonto dawladda dalkan.

Boqolkii ba 51 dadka ay da´dodu u dhaxeeyso 16-84 ayaa la ildaran cayil xad dhaaf ah, waxaa af-iswiidhishka lagu yidhaahdo övervikt.

Sido kale ayuu baadhitaanku muujinaya in faraq weyni u dhaxeeyo dadka wax soo bartay iyo kuwa aan soo baranin. Badanka dadka la ildaran dhibaatooyinka cayilka la xidhiidha ayaa ah kuwa aan wax soo baranin amba ay waxbarashadoodu hooseeyso.

In kasta oo u baadhitaankani sheegayo in kala badh oo badh dadka waddankani cayilan-yihiin marka Iswiidhan loo barbardhigo waddamada kale caafimaadka dalkani wuxuu yahay mid wanaagsan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".