Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo soo jeedisay ciidammo inay u dirato xeebaha Soomaaliya

La daabacay torsdag 20 april kl 14.04
Sweden oo ciidamo u direysa xeebaha Soomaaliya
(1:07 min)
Ciidammada badda Sweden oo ku sugan markabka MHS Carlskrona oo ka howlgalayay gacanka cadmeed 2010.
Ciidammada badda Sweden oo ku sugan markabka MHS Carlskrona oo ka howlgalayay gacanka cadmeed 2010. sawir: Tim Freccia/TT

Dawladda Sweden ayaa maanta go’aamisey in baarlamaanka dalka ay horgeyso qorshe la rabo in ciidamo Iswiidhish ah oo ugu badnaan gaaraya 135 qof loo diro xeebaha Somalia si ay uga qeyb qaataan hawlgalka ciidamada badda ururka midowga yurub (Atlanta) ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalkaan ayaa gaar ahaan ku wajahan sidii burcad badeedka looga difaaci lahaa hawlgalka caawinta dadka gaajadu Somalia ku haleeshey kaas oo uu wado ururka qaramada midoobey u qaabilsan dhanka cuntada adduunka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano WFP.

Arrinkaan ayaa ahamiyad xoog leh u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaro iyo gaajo ku habsatey.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey ayaa dhawaantaan ku dhawaaqey in adduunka oo dhammi ay ka qeyb qaataan gurmad xoog leh oo ku wajahan sidii looga hortagi lahaa inay dad cusubi gaajo ugu dhintaan dalka Soomaliya.

Dawladda Sweden ayaa soo jeedisey in hawlgalkaan ay uga qeyb qaadato laba doonyood oo kuwa dagaalka ah, ayna saaran yihiin ciidan dhan 135 qof, wuxuuna ciidankaasi hawlgalkiisa bilaabi doonaa bisha september ee sanadkaan 2017-da.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".