Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Calamadaha Naaziga oo la surey goobo kala duwan ee dalka

La daabacay torsdag 20 april kl 16.04
Kaamerada ilaalisa xabsi ku yaala magaalada Oslo.
Kaamerada ilaalisa xabsi ku yaala magaalada Oslo. sawir: Kallestad, Gorm

Habeen-nimadii xalay ayaa laga taagay xarruntii hore ee war-geeyska Sydsvenska magaalada Malmö  ee barxadda xarunta Löddeköping laga taagay calan matalaya sumadda xukumaddii Naaziga.

Sidoo kale magaalada Eskilstuna ayey laba ruux isku dayeen iney fal midkaasi la mid ah ku tallaabsadaan oo ey calan midkaasi la mid h ka taagaa, hase yeeshee uu ciidanka ammaanku markii arkay oo uu ka hor istaagay.

Ciidanka ammaanka ayaa suurtagl u leh inay kaamerada ka daawadaan dhacdooyinka barxadda Fristadstorget ee magaalada Eskilstuna. Kolkii ey goobta tageen ayey ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen nin 22 jir ah oo isteeshinka loo soo kaxeeyey sidii wareeysi loola yeelan lahaa, halka uu midkii kalena goobta ka baxsaday. 22-jirka ayaa lagu soo oogey dacwadda isku dirka qowmiyadaha, waxa afka iswiidhishka lagu yiraahdo - hets mot folkgrupp.

Dhacdooyinka noocaasi ah ee calanka calammadda Naaziga lagu surayay ayaa ka dhacey goobo kala duwan ee dalka ka mid ah sida magaalada Malmö, barxadda daartii hore ee war-geeyska Sydsvenskan ee waddada Krusegatan, sida uu war-geeysku qoray.

Dhacdo middaa la mid ah waxay ka dhacday goob in xoogaa ah u jirta agagaarka bartamaha koonfurta Löddeköpinge oo dhacda waqooyiga magaalada Malmö.

Ciidanka ammaanka ayaa hoos u dejiyey labada calan, iyadoona dacwadda lagu soo oogey lagu macneeyey falka isku-dirka qowmiyadaha kala duwan, sida uu sheegay Calle Persson, ahna af-hayeenka saxaadda ee xarunta hoggaanka ciidanka ammaanka ee gobolka koonfureed.

Maxaa ugu wacan dhacdooyinka maanta?

Magalada Stockholm qudheeda ayaa laa taagay tabeelle saqafka tunnelka Fredhäll oo ey ku qorraayeen ereyo xambaar-sanaa isku dirka qowmiyadaha kala duwan, sida uu boggiisa internet-ka ku qoray ciidanka ammaanku. Saraakiil ka socota ciidanka ammaanka ayaa goobtaasi tagtey oo boorkaa ka dejisay goobta saqafka ee la surey, isla-markaana dacwad laga oogey fal-dembiyeedkaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".