Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga S oo aan wax ka qabin jeebada elektroonikada lugta

La daabacay torsdag 20 april kl 18.02
Jeebada elektroonikada ee lugta.
Jeebada elektroonikada ee lugta. sawir: Larsen, Håkon Mosvold

Xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaan mabd’a ahaan aan waxba ka qabin fikirka uu ban-dhigay xisbga Miljöpartiet ee la xiriira in jeebada elektroonikada ee lugta lagu xiro dadyoowga laga gaaro go’aanka tarxiilka ee looga shaki qabo in ammaanka, sida uu saxaafadda u sheegay Mats Andersson (S), ahna xog-haye dawladeed. Fikirkan ayaa hor-dhac u ah wada-hadalka siyaasadda looga hor-tegi lahaa falalka argagixisada ee toddobaadka foodda innagu soo haya yeelan doonaan garabyada siyaasaddu.

Miljöpartiet (MP) ayey dhaleecooyin ballaaran kala soo gudboonaadeen kolkii uu mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga, ahna wasiirka tacliinta Gustav Fridolin uu soo jeediyay fikirkaa ka hor wada-xaajoodka garabyada siyaasadda.

Xisbiga Moderaterna (M) ayaa wixii ka dambeeyay sheegay inuu ku fekeri karo in laga wada xaajoodo. Halka uu iminka xisbiga S jawaab middaa la mid ah ku dhawaaqay.

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa horay u soo jeediyay tallaabo middaa ka ballaaran iyo in jeebadda elektroonikada ee lugta lagu xiro si dusha loogala socdo dadyoowga diidmada ku hela dalabkooda magangelyo ee looga cabsi qabo iney ka dhuumaaleeystaan tarxiilka

Jeebada elektroonikada lugta waa qayb ka mid ah, hase yeeshee ey jiraan suurtagallo kale iyo sidii lagula socon lahaa dadyoowga looga shaki-san yahay ammaanka, sida uu sheegay Andersson ahna xog-haye dawladeed. Illaa iyo hadda ayay wada-haddallo u socdaan xisbiyada S iyo MP qorshooyinka ey la suuq-tegi doonaan kulanka ey xisbiyada garabyada siyaasaddu uga xaajoon doonaan ammuurtaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".