Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Nasteexo: Haweenku iyaga ayaa gacan isku fidin doona

La daabacay fredag 21 april kl 12.48
Haween badan oo waxaa jira guryaha ku go'doon-san
(5:57 min)
Nasteexo Weheliye.
Nasteexo Weheliye. sawir: Sawir: Kenadid Mohamed/SR

Mashruuc loogu magac darey ”Hembesök” oo dhowaantan hoowshiisa laga bilaabi doono xaafadaha Spånga Tensta ayuu macnihiisu yahay sidii ey qaar ka mid ah haweenka nawaaxigaa ku dhaqan isu gacan qaban lahaayeen oo middooda dhibaateey-san ay gacan uga heli lahayd kuwooda kale iyo weliba sidii ey bulshada ula ula fal-geli lahayd – is-dhex galka.

Fikirka mashruucaan ayaa ka dhex abuurmay kullamo ey isugu yimaadeen urur loogu magac-darey ururka caalamiga ee haweenka Kvinnolyft – Kor u qaadidda haweenka.

Naxteexo Weheliya ayaa ka dambeeysay aasaaska urur haween ee laga aasaasay xaafadaha Spånga-Tensta sannadku markuu ahaa 2003. Ururka ayay horraantiisii xubno ka ahaayeen haweenka soomaalida ee nawaaxigaa ku dhaqa, hase yeeshee uu iminka u xuubsiibtay urur caalami ah oo ey xubno ka yihiin haween ka soo kala jeeda waddammo iyo qaarado kala duwan.

Hooyada kelida ah dhibaatooyin badan ayaa la soo gudboonaada

Dhibaatooyinka la soo gudboonaada haweenka oo ay Nasteexo Weheliye carraabawday ayaa ah kuwo nolosha kula soo gudboonaaday qudheeda, maadaama ay 7 carruur ah ku soo barbaarisay keli-nimo wixii ka dambeeyay 27-kii sannadood oo ay ku dhaqneeyd dalka Sweden, sida ay hadalka u dhigtay. 

Hoowlaha kala duwan ee mashruucan loogu magac-darey booqashada guriga ayey gacan ka geey-san doonaan haween leh xirfado kala duwan, hadday noqon lahayd dhanka barbaarinta dhallaanka, dhanka caafimaadka, war-bixinnada la xiriira hab-nololeedka dalka iyo wixii la mid ah, sida ay sheegtay Nasteexo Weheliye.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".