Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Macron iyo Le Pen oo u gudbey wareega labaad ee doorashada

La daabacay måndag 24 april kl 10.39
Macron iyo Le Pen oo u gudbey wareega labaad
(3:29 min)
Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen.
Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen. sawir: JOEL SAGET

Doorashadii madaxweynanimada  ee maalintii shaley ka dhacdey dalka Fransiiska waxaa wareegii koowaad ku guuleystey Emmanuel Macron oo ah siyaasi dhexdhexaad ah iyo Marine Le Pen oo hoggaamisa xisbiga midigta fog.

Emmanuel Macron ayaa heley boqolkiiba 24 codadkii dadweynaha kaas oo wax yar ka codad badnaa Marine Le Pen oo iyadu u taagan garabka middig ee xagjirka ah.

Emmanuel Macron ayaa guushii oo xaley doorashadaas uu ka soo hooyey ka dib, wuxuu yiri sidan soo socoata:

- Raja fiican iyo hididiilo ayaa u balanqaadayaa dadka Fransiiska iyo kuwa reer Yurub intaba, ayuu yiri Emmanuel Macron oo isagu kaalinta koowaad galey doorashadii madaxtinimo ee maalintii shaley ka dhacdey dalka Fransiiska.

Dadweynaha Faransiiska ayaa laba usbuuc ka dib mar labaad u dareeri doona doorasho hor leh si ay u kala doortaan Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, kii doorashadaas ku guuleystaana wuxuu noqon doonaa madaxweynaha dalka Fransiiska.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström ayaa u hanbalyeysey Macron, waxayna tiri:

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström.

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemoquraatiga dalkaan Sweden Jimmie Åkesson ayaa isagoo ka faaloonaya doorashadaas maalintii shaley ka dhacdey dalka Fransiiska wuxuu yiri sidan soo socota:

-Labadaas musharax waxaan anigu doorbidayaa Marie Le pen, Inkastoo labada dal ee fransiiska iyo Sweden ay waxyaalo ku kala duwan yihiin hadana xisbiga Le pen iyo annagu waxaanu aad uga mideysanahay arrimaha soo galootiga.

Åkesson ayaa intaas ku darey in Sweden looga baahan yahay in laga doodo arrimaha la xiriira ururka midowga Yurub taas oo uu aaminsan yahay in ay dhici doonto haddii Le Pen ay ku guuleysato madaxtinimada dalka Fransiiska.

Hogaamiyaha xisbiga Libaraalka Jan Björklund ayaa isaguna isagoo ka faaloonaya doorashada maalintii shaley ka dhacdey dalka Fransiiska wuxuu yiri sidan soo socota:

Hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf ayaa iyaduna ku faraxsan guusha uu gaarey Macron , waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Fransiisku waxay muujiyeen in ay jirto waddo kale ama xal kale oo aan ajaanib naceyb aheyn, waxaana rajeynayaa in dadka Fransiisku ay doorashada labaad ee ku celiska ah taageeraan Macron, waayo taas badalkeedu waa mid burbur iyo halaag u ah dalka Fransiiska iyo qaaradda Yurub intaba, sida ay sheegtay hogaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf.

Wareega labaad ee doorashada madaxtinimada dalka Fransiiska ayaa dhici doonta 7-da bisha maajo ee soo socota.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".