Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shakhsi labaad oo lagu tuhunsan yahay dhacdadii Drottninggatan

La daabacay måndag 24 april kl 10.41
"Sweden gudaheeda ayaa lagu qabtay"
(1:43 min)
Goobtii uu falka argagixisadu ka dhacay ee waddada Drottninggatan.
Goobtii uu falka argagixisadu ka dhacay ee waddada Drottninggatan. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Weli waxaa halkeedii ka sii socota baaristii lagu hayay dhacdadii falkii argagixis-nimo ee 7-dii bishii abriil ka dhacday waddada Drottninggatan ee faras-magaalaha Stockholm.

 

Ku simaha madaxa xeer-ilaaliyaha Hans Ihrman ayaa amray in ruumanka la dhigo shakhsi kale ee dhacdadaa lagu tuhun-san yahay.

Shakhsigan ayaa gacanta lagu dhigay jimcadii ina dhaaftay ee ku beegnayd 21-kii abriil, iyadoona dacwaddiisa dib loo qaaday loona soo wareejiyay magaalada Stockholm axad-nimadii shalayto ee ina dhaaftay 23-kii abriil, sida uu sheegay ku simaha xeer-ilaaliyuhu.

Hans Ihrman ku simaha madaxa xeer-ilaaliyaha ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo shakhsigan cidda uu yahay, da’diisa iyo goobta lagu qabtay. Hase yeeshee sheegay inuu falkii qabashadu u dhacay si sahlan, iminkana uu ku sugan yahay magaalada Stockholm.

Halka ugu dambeeyn 12:00 duhur-nimo ee maalinta arbacada ee 26-ka abriil ay tahay in dacwad lagu soo oogo, haddii kalena xabsiga laga sii daayo.

                                                                                        

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".