Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fikirrada qaarkood oo la isku raacey

La cusbooneeyay måndag 24 april kl 17.12
La daabacay måndag 24 april kl 15.00
Wada-hadalladii oo dib la isaga iman doono
(1:43 min)
Anders Ygeman (S), wasiirka arrimmaha gudaha Sweden.
Anders Ygeman (S), wasiirka arrimmaha gudaha Sweden. sawir: Henrik Montgomery/TT

Wasiirka arrimmaha gudaha Sweden Anders Ygeman (S) ayaan doonayn inuu ka faalloodo fikirradii lagaga wada hadley kulankii looga xaajoonayey howlaha ka hor-tagga argagixisada.

- Aniga oo ixtiraamaya wada-hadalladii na dhex-marey ayaa la sugayaa inaan ka faalloodo guud ahaan, sida uu sheegay. Isagoona hadalkiisii raaciyay iney jiraan fikirro laga mideey-san yahay, isla-markaana uu taabac-san yahay qaar badan oo ka mid ah fikirradii ey soo jeediyeen xisbiyada garabka midig ee mucaaradku.

Qiyaastii saddex illaa iyo afar toddobaad dabadood ayuuna fileyaa ina xisbiyadu meel isugu yimaadeen.

 Dhanka kale xisbiyada mucaaradka ee garabka midig ayaa ku qanac-san habkii kulanku u dhacay, isla-markaana aan dooneyn iney iska dheereeyaan fikirradii kulanka lagu soo ban-dhigey.

Baetrice Ask, af-hayeenka dhanka siyaasadda shuruucda ee xisbiga Moderaterna.

- Kama eynaan doodin fikirradii goobta lagu soo ban-dhigey, waxaanan rajeeynayaa inaan kullammada soo socda kaga xaajoon doonno arrimmahaas. Anigoona ku rajo qaba in aannu kullammada soo socda middaa ka wada xaajoon doonno, sida ay hadalka u dhigtay.

Roger Hadad, af-hayeenka shuruucda ee xisbiga Liberalerna ayaa isagu ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo fikirrada kulanka lagu isku dhaafsaday:

- Ma doonayo inaan ka faaloodo. Waa wakhti hore weli., sida uu sheegay Roger Hadad, ahna af-hayeenka siyaasadda shuruucda ee xisbiga Liberalerna.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".