Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

50 shakhsi oo lagu tuhmayo dembiyada galmada ee dhallaanka

La daabacay tisdag 25 april kl 10.26
Caruuro loo geeysanayo galmo
(1:06 min)
50 shakhsi ayuu boolisku saaka qabtay.
50 shakhsi ayuu boolisku saaka qabtay. sawir: Bertil Ericson/TT

Tiro gaadhsiisan 50 shakhsi oo lagu tuhunsanyahay danbiyo la xidhiidha u galmoodka iyo isticmaalka sawirrada galmada ee dhallaanka ayuu boolisku saaka qabtay.

Saaka subaxnimadii ayuu booliska qaranka Iswiidhan si xoogan u qabtay 50 shakhsi oo la filayo in qeybiyeen islamarkaas na ka qeeyb qaateen sawiro meteleya dhallaan galmo loo geeysanayo, taas oo dalkan Iswiidhan sharci- darro ku ah.

Sidaas ayuu sheegay Anders Ahlqvist oo ka hawlgala waaxda booliiska dalkaan u qaabilsan arrimaha hawlgalka ee NOA loo soo gaabiyo.

-In intaas oo qof isku mar la wada qabto ayaan hore uga dhicin dalkan. Shakhsiyadan ayaa lagu tuhmaya in ay qeeybiyeen kana qeeyb qaateen sawiradan, ayey sheegtay Carina Holmberg weriye ka hawlgasha l´aanta Ekot ee Raadiyaha Iswiidhan.

Badanka dadka la qabtay ayaa ku nool gobolka Västra Götaland ayey Holmberg raacisay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".